Askari Liyuu Boolis Ah Oo Kahadlay Dagaalada Uu Lagalay Alqushaash (Alshabaab) Ee Xadka.

Xadka(CN) Khamiis.June.04.2015, qormadan uu askariga lagu magacaabo Axmed Maanjuus oo katirsan ciidanka Liyuu booliska kaga hadlayo dagaalada alqushaash ee xadka ayaa waxay toos uga jawaabaysaa shaqsiyaadka sida ducfinimda ah uga hadlay qaar kamida warbaahinta oo ay kamid yihiin Maxamed Ismaaciil(Mr Qaaxo), Xasan Yacquub Cali(alqushaash), iyo Xaardhibe Sahra C/qaadir oo kahadashay SN TV.

Maanjuus oo kawaramaya dagaaladii xadka ee alqushaash (alshabaab) ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida tan:

Ciidamada gaarka ah ee Liyuu Boolisku waa ciidan  Itoobiyaan ah kuna faanaya Itoobiyaanimadiisa, waana ciidan sharci iyo dastuur ku aas aasan.Waxaa uu ciidankani u aas aasan yahay sugida amniga,  ilaalinta dastuurka deegaanka iyo dalkaba iyo xaqiijinta saraynta sharciga, waxaana waajib ku ah inuu guto xilkiisa iyo waajibaadkiisa, taasoo uu ciidanku naf, wakhti iyo dhiigba u taagan yahay inuu u horo.

Hadaba ciidanka Liyuu Booliska oo ah ciidan nabada jecel markastana aaminsan in xalka kaliya uu yahay nabada iyo rabitaanka shacabka ayaa ah ciidan u taagan sidii uu shacabkiisa iyo hantidoobada nabad ugu dhaq dhaqaaqi lahaayeen habeen iyo maalinba.

Sidaas daraadeed waxaa uu ciidanku si kama danbays ah ugu dhaartay cidkasta oo isku dayda inay sharci daro iyo khal-khal galiso xasiloonida deegaanka inuu ciidanku siin talaabo sharciga waafaqsan kuna haboon qaab u dhaqankooda. Wuxuuna ciidanku marnaba ogalayn cidkasta oo isku dayda in ay qori aan dawlada ahayn oo aan sharciyaysnayn wadato.

Waxaana aamin sanahay  cidkasata oo  isku dayda in ay wax kasheegto ama fara galisa xadka caalamiga ah ee Itoobiya inuu yahay fikiradii mandhalayska ahaa ee Somaliwayn taasna uu faraha kaga guban doono oo  talaabo sharcigeeda waafaqsan kala kulmi doono.

Waxaa uu ciidanka Liyuu Boolisku ku dhaartay inuu habeen iyo maalinba ladagaalamayo wixii cadaw ku ah Shacabka Itoobiya sida Alqushaash  iyo ubbo-daacish.

Hadaba hadaan soo qaadano weerarkii ay soo qaadeen ururka Alshabaab oo ku beegnaa habeenimadii 16 ka bisha Ginbood iyo subaxnimadii 17 Ginbood ee doorashada 5aad ee dalka Itoobiya dhacday, ayaa wuxuu ahaa dagaal qorshaysan oo la isku dayay in lagu khal khal galiyo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Iyadoo markaasi aysan Alshabaab ku xisaabtamaynin inay kala kulmi doonto halaag iyo holac afka loo galiyo oo walibana shaadh qabiil gabaad kadhiganaysay maadaamoo aysan hawaysan karin inay alshabaabnimo kudagaalanto oo ay horay cashir taariikhi ah uga haysatay dagaalkii  LAGALAAY Iyo GARASWAYNE. Waxayna Alshabaab dan mooday inay ku dhuumato shaadh qabiil maray ogaatay inay jabtay si ay ceebteeda u qariso.

Sida la ogsoonyahay alqushaash (alshabaab)  ayaa waxay kasoo kicintay muqdisho, Dhuusamareeb, Guriceel, deegaanada galmudug iyo baladwayne , kadibna waxay si gardaro ah ugasoo gudubtay xadka caalamiga ah ee DDSI halkaana waxay kagaysatay falal argagixiso ah, waxayna weerar gaadmo ah ku qaaday qaar kamida ciidanka ilaalada xadka oo ay si gardaro ah ku dishay 8 askari oo ciidanka ah. Kadibna ay weeraro gardaro si joogta ah u waday iyadoo marba marka kadanbaysa u cuntami wayday natiijada ay kala kulantay ciidanka is difaacayay.

Hadaba maadaamoo khasaaro ba'an oo talaabo wax ku ool ah lagaga qaaday ciidankii weerarka waday ee Alshaabaabul-budhcad badeedka oo markii hore u qorshaysnayd inuu guulo kasoo hoyiyo weerarkan gardarada ah oo jawaab uga dhigo cashirkii Physics-ka ahaa ee LAGALAAY iyo GARASWAYNE,  ayaa markii indhaha loo shiday ee khasaaro iyo jab badan lagaadhsiiyay, waxay alshabaab dan mooday oo ay si yax yax ah oo ceebaysan oo ducfinimo ah u sheegteen inay shacab yihiin, walow ay hadana kameeraysanayaan qirashada baaxada dharbaaxada ku dhacaday ee aan kasoo kabashada lahayn.

Hadaba ciidamada Liyuu Booliska dagaaladii ay lagaleen Alshaab ayaa wuxuu ahaa mid sharciya oo ay kugudanayeen waajibaadkooda shaqo ee difaaca deegaanka iyo shacabkooda.

Dhanka kale shaqsiyaadka sida ducfinimda ah uga hadlay saxaafada (voa, bbc, sntv iyo meelaha kale) ee eedaynta aan salka iyo raadka lahayn ku canbaareeyay wax qabadka ciidanka taasoo  ay kurabeen inay ku wasakheeyaan guulaha wax ku ool ka ah ee kufaanida mudan ee ciidanku weerarka lagu soo qaaday ku difaacayay shacabkiisa iyo deegaankiisa, ayaa waxaan leenahay waxaad tahay Argagixiso budhcad badeed ah oo iska hadashay.  Sidoo kale waxaa uu ciidanku kadigayaa in ciddii si sharci dara ah ugasoo gudubta xadka inay kala kulmi doonto talaabo wax ku ool ah.

Ugu danbayn waxaan kusoo gabagabaynayaa in ciidanka Liyuu boolisku uu dagaalka nabada kajecelyahay, dariswanaaga jecelyahay, is ixtiraamka jecelyahay, iyo in dhamaan la iska kaashado sugida nabada.