Sanadguuradii 43aad Ee Xuska Maalinta Ilaalinta Deegaanka Oo Si Balaadhan Deegaanka Looga Xusay.

Wajaale(CN) munaasabada sanad guurada 43aad ee xuska maalinta ilaalinta deegaanka ayaa si meeqaam sare ah looga xusay deegaanka iyada oo sanadkan xaflada munaasabada xuska maalinta ilaalinta deegaanka lagu qabtay magaalada wajaale ee degmada Awbare.

Waxaana ka so qaybgalay xafladaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ilaalinta deegaanka mudane Badal Xiis, wasiir ku xigeenka xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga mudane Cabdinuur Colow Axmed, gudoomiyaha degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax masuuliyiinta magaalada Wajaale iyo dhamaan qaybaha bulshad ee ku dhaqan magaalada wajaale iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanka ee DDSI.

Munaasabadan oo ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada wajaale ayaa waxaa ugu hortayntii ka hadlay wasiirka  ilaalinta deegaanka mudane badal xiis oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xuska maalintani ilaalinta deegaanku isaga oo sheegay sharax dheer ka bixiyay  nidaamka loo ilaaliyo deegaanka wuxuuna ku booriyay dhamaan bulshada deegaanku in ay ilaaliyaan nabaad guurka dhirta islamarkaana ay beeraan dhir si uu dhulku u noqdo mid cagaaran.

Waxaa,  kale oo isaguna  ka hadlay munaasabadaasi gudoomiyada degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo si mug leh uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay ilaalinta deegaanka iyada oo ay madashaasi xaflada sanad guurada  hadalo mu taxa luqa ilaalinta xaafulka dhulka ay ka soo jeediyeen masuuliyiinta magaalada wajaale oo uu ka mid yahay gudoomiyaha magaalada jawaale mudane farxaan xuseen iyo odayaasha suldaanada iyo ugaasyada magaaladuba ay si qoto dheer uga hadleen ahmiyada ay leedahay ilaalinta xaafulka dhulku.

Waxaana, gababagadii xaflada lagu samaayay dhirbeerid goobo ku dhex yaala magaalada wajaale halkaasi oo lagu beeray inka tadan 7000 kun oo geed taasi oo uu wasiir ku xigeenka xoolaha beera iyo horumarinta reer miyiga  mudane cabdinuur colow axmed geedkii ugu horeeyay ku beeray isaga oo warbaahinta deegaanka u hadlayna sheegay in xukuumada DDSI dadaal dheer ugu jirto sii xoojinta iyo kartaargalinta cagaarinta dherta.