Maqaal: Ciidanka Gaarka Ee Liyuu Boolisku Waa Miciinka Shacabka DDSI- W/Q Axmed Deeq.

Jigjiga(CM) Arbaco.June.10.2015, maqaalkanuu ciwaankiisu yahay "ciidanka gaarka ee liyu boolisku waa miciinka shacabka DDSI" oo ku qotoma ahmiyada ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa waxaa barta Emailka ee CakaaraNews noogu soo diray muwaadin u dhashay DDSI mudane Axmed Deeq Xuseen wuxuuna ku bilaabay sida tan:-

Ciidanka Liyu booliska DDSI  waxaa la aas aasay 2008 G.c, laguna aas aasay bayaanka ciidanka boolis oo waa faqsan dastuurka dalka itoobiya. waana ciidan shacab oo ka soo dhexbaxay shacabka DDSI una taagan ilaalinta shacab kana samatabixiya hagardaamooyinka kooxaha nabaddiidka iyo kuwa argagixisada ku hayeen shacabka deegaanka iyo cidkastoo isku dayda in ay khal-khal galiso amniga shacabka DDSI.

Sida lawada ogyahay isbadalkii siyaasadeed ee kuyimid dalka itoobiya 1991 G.c. afkana ciidda loo daray dawladdii cadaadiska ee dhargigii kaligii taliyihii Mingustu Hialemaryan. Ayna naftood hurayaashii EPRDF kala wareegeen talada dalka itoobiya. Una hurseeden qoomiyadaha iyo shucuubaha reer itoobiyana fursad ay aayahooda kaga tashadaan, iskuna maamulaan af-kooda hooyo, una madax babaanyihiin maamulkoodda, deegaan kastana ka faa’iidayto barnaamijyadda hormarineed ee dawladda fedaalka si hormar taam ah loo gaadhsiiyo deegaanada Dalka itoobiyaa siguud iyo sigaar ahba.

Sidaas daraadeed ayaa waxaa deegaanka soomaalida ayka jirtay marxalado kala duwan oo runtii aad u ad adkaa ooguna muhiimsanayd amni daro badan ooy kadambeeyen ururadii hubaysnaa ee nabaddiidka sida ururkii ONLF ladhihi jiray ( ee u xuubsiibtay UBBO) iyo Al-etihad in ay caqabad wayn ku noqdeen in  mashaaricda hormarineed ka hirgali waayaan deegaanka soomalidda ayna keentay in deegaanku ka hadho deegaanaddii kale dalka itoobiyaa. lagana faa’iidaysan waayo fursadahii iyo barnamijyadii hormarineed ee dalka ka socday guud amaanka oo faraha kabaxay.

Waxaa jirtay in ciidanka difaaca qaranka uu yahay ciidanka xilka ka saaran yahay suggiida amniga guud ahaan dalka itoobiya ee deegaanka soomaaliduna ka midka yahay, sidaas owgeed ciidanka difaaca qaranka oo dadaal badan ugalay siduu kusoo afjarilahaa amni daradii ay sababen ururadii hubaysnaa sida  ONLF (UBBO) iyo al-etihad.

Ciidanka difaacca qaranka in ay ka sifeeyaan deegaanka kooxda Ubbo waxay kala kulmay caqabad badan oo la daristay ciidanka. Maxaayeelay nabaddiidku waxay ku dhex dhuumaalaysan jireen shacabka nidaam ay shacabka kudhex jirikaraanna ka dhexsamaysteen, ayna u dheerayd ciidanka luuqada oo ku adkatay siday shacabka xooladhaqatada ah u dhexgali lahaayen, aqoon la’aan dhulka miyigaha ah iyo kaymaha ay ku dhuumaalaysan jireen nabaddiidku iyana qab ka ahayd caqabadaha haystay ciidanka difaaca dalka ee dagaalka kula jiray kooxihii hubaysnaa ee nabaddiidka ahaa.

Waxa kaloo jiray iyana in UBBO oo taageero kahaysatay shacabka qayb kamid ah ay xoola dhaqatada  utusaan ciidanka difaaca qaranka, ciidan ku soo duulay xoogna ku haysta haday noqoto diin, dhaqan iyo luuqadtoona kadhaxaynin ah cadawga shacabka deegaanka, iyo wakhtiyadda qaarkood xukumadda deegaanka oo aragtiyo kale saamayn kulahaayeen sidii saraakishii ciiddamada ee dawladdii siyaad bare e dalka soomaliya oo aminsanyaa arragtida ah soomaali wayn.

Sidaasna ay Ubbo in badan kaga faa’iidaysatay shacabkii oon xog badan iyo wacaal toona kahaynin haynin waxa aytahay itoobiyadan cusub ee dimuqraadiga aas aaskuna uyahay qoomiyad iyo shucuubta kala duwan ee reer itoobiya, balse iyaku yihiin wiilashoodii ayna u halgamayaan shacab sidaas daraaded ay taageeraan in muddo ahna ay shacabka qaarkii ku khaldayeen, taakeerana kaga heli jireen, iyo sidii look ala saari lahaa shacabka iyo nabaddiidka UBBO oo adkaaday.
Dhibaato badan kadib saamayna kuyeeshay hawlihii hormarka iyo amniga deegaanka oo cakirmay yaa   dawladda deegaanka iyo dawladda fedaraalka oo iskaashanaya isla qaateen in dib loo dajiyo taabayoow iyo staraatiijiyad ku haboon sidii loo so afjari lahaa nabaddiidkii UBBO iyo al-etihad iyadoo laga ambaqaadayo caqabadahii ciidanka difaaca qaranka la soo darsay.

Sidaasna daraasad lagu sameeyay kadib laysla qaataaday in ladhiso ciidanka gaarka ah oo deegaanku leeyahay, lagana soo dhiso shacabka tahayna jidka kaliyee lagu afjari karo ururadii hubaysnaa ee UBBO iyi Al-etihax oo curyaamiyay hormarka iyo amniga deegaanka. Isla mar ahaantaana lasiiyo tababar milatari , lehna awoodda ciidameed oo adag. In xal waara loogu hello hawlaha hormarka iyo amnigaba deegaanka.

Kadib waxaa la bilaabay in ciiddamadii maleeshiyaadka ahaa ee dagmooyinka iyo Qabaleeya la uruuriyo laguna dhexdaro ciiddanka difaaca muddo hal sano ah si ay ubartaan sida ciiddanka difaacu ushaqeeyo, u kala amar qaatoo, una kala dambeeyo iyo gabi ahaanba sida hawl galladda si ay khibrad waayo aragnimo oo gaqaataan ciidamadda difaaca qaranka itoobiya oo ahayd runtii arin wax ku ool ah.

Sidaasna dufcaddii koobaad ahaayeen ciiddankii maleeshiyaada dagmooyinka laga soo xulay ee laguna daro ciidanka difaacca mudadii halka sanno ahayd dibna loogu xareeyay xeradda tababarka ee jinacsanay 2008 G.C. ciddankaas oo ahaa dufcaddii koobaad ee lasoo baxday magaca Liyu boolis hawl galkiina sidaas ku bilaabeen iyagoo gaar uyahay misaaniyaddooda iyo maamulkooduba.

Muddo yar kadib ciidanka liyu boolisku ee dufcaddii koobaad waxay soo hoyiyeen guulo wax ku ool ah, dharbaaxooyin waawayn u gaysteen nabad diidkii UBBO sidaasna jabkii, burburkii awooddi ciidan, hogaamin iyo taageeraba lugta sidaas kula baxeen iyadoo xukuumadda DDSI si joogta ah tababar loo siinayay kolba ducfad cusub oo horleh ilaa maanta oo ay yihiin ciiddan quwad ciiddanimo oo taam ah leh. Laga soo xulayay Qabale/ tuullo iyo dagmoyinka oo deeganka balse ayna ku salaysnayn xulashadoodu wax qabiil ah ama reer gaar ah toona.

Sikastaba ha ahaate waxaa Ciidanka Liyu booliska DDSI loo idman (mandate) in cidkastoo soo daakhisha amniga, daganaanshaha, xasiloonidda deegaanka soomaalidda iyo shacabka deegaanka gaashanka udhigaa kana difaacaa sida nabad diidka UBBO, iyo wixii la halmaalla, iyo qul-qulatooyinka amni daro ee xooggaga argagixisada caalamiga ah sida al-shabaab (alqushaash), iyo cidkastoo isku dayda in ay khal-khal galisaa gabi ahaanba amniga  deegaanka iyo dalka itoobiyaa ee ka soo talawdaa xuduudda caalamiga uu la leeyahay wadamada dariska.

Ciidanka gaarka DDSI (liyu boolis) wuxuu leeyahay tababar ciidan oo heerkiisuna lamid yahay kan milatariga dalka itoobiyaa, wuxuu leeyahay code ciiddan nimio, mushaar, iyo saad lamid ah midka ciidanka difaaca qaranka, wuxuu leeyahay daraja ciiddanimo ilaa heer janaraal (Generaal), lehna shuruux ciidan, kala dambayn, anshax, kala amar qaadasho, is ixtiraam, adkaysi hawl galka socodka, gaajadda oonka iyo daalkaba marka hawlgaladda ciidannimo jiraan, ilaalinta saraynta sharciga (rule of law) deeganka, iyo dalkaba iyo shuruucda caalamiga sida xuquudda aas aasiga ee muwaadin kasta leeyahay iyo xuquuqul insaanka sida maxbuus dagaal ladhaqan kiisa.

Ciidanka gaarka DDSI wuxuu leeyahay laamihii kala duwanaa ee ciidaan lahaa oo dhamaystiran sida abaandulka, loojistic (saadka iyo gaadhidka), maaliyadda, sirdoonka, boolis milataariyo ama booliska ciiddanka uun ka ilaaliya in fasax la’aan ciddan u baxo magaalooyinka ama arbushaan dadka shacabka, iyo anshaxa ciidanka, qaybta daryeerkia caafimaadka iyo caafimadka dag-dagga ah, waxaa jira nidaam lagu qiimeeyo haday noqoto dhanka anshaxa ciiddannimo, kartidda, waxqabadka iyo darajo siinta ciidanka.

Ciidanka gaarka ee DDSI wuxuu leeyahay shirkadda dhismaha iyo iibka oo usoo hoyisa faa’iidooyin maaliyeed iyo horumarineed. Xukumadda DDSI oo daadaal badan iyo juhdi badan oogu gashay siday awoodda cidannimo ee ciidanka gaarka u dhisi layad waxay ansixisay ayna dhisaysaa kuliyada tababarka ciidanka liyu booliska ee jigjiga. Ciidanku wuxuu leeyahay dirays gaar u ah, gaadiid gaar u ah oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka iyo gaadiidka cul culus ee dhismooyinka sida jidadka iwm.   

Natiijada ciidanku keenay tan iyo intii la aas aasay:-

Waxaan shaki kujirin in xoogagii nadabiidka UBBO in ay gabi ahaanba ka afjarmeen deegaanka lugtana labaxeen muddo kayar sanno ayna sababtay in mashaaricdii hormarineed ee awal laga fulin la’aa deegaanka masruucwalba laga hirgaliyo goobtii loo qorsheeyay wana guul wax ku ool ah oo shacabka deegaanka usoo hoyatay iyo nabadgalyo taam ah maanta shacabka deegaanku ku naaloodaan cid walbaana ay marag iyo mar khaati katahay nabaddii deegankana uu sugay ciiddanka deegaanka gabi ahaanba, in xoogaga argagixisadda sida al-shabab (al-qushaash) ee amniga wadamada bariga afrikaa khal-khal galisay in aysan hawaysan Karin deegaanka soomaalidda itoobiyaa oo xuduud dheer la leh wadanka soomaaliya oo sida la ogyay argigixisadda caalimigu saamayn wayn kuleedahay daganaan la’aanta siyaasadeed iyo amniga dalka dariska ee walaala heen ah.

Dunidu waxay marag iyo markhaati katahay isku dayadii ay sameeyeen kooxaha argagixisadda caalamiga ee al-shabaab in ay guda deegaanka soogalaan dhibna ka gaystaan kol hore 2014 in ciddamada liyuugu boolis jab lama ilaawan ah lamareen xarakadii al-shabab. Cashir udhigeen, caalamkuna mahadnaqbadan iyo ixtiraam badan oogu hayaan ciiddanka gaarka DDSI (liyu boolis), heeganna had iyo jeer u yihiin in ay ka hortagaan wax kastoo ku soo gardarooda deegaanka soomalidda iyo shacabkiisaba.  
Ciidanka gaarka DDSI (Liyu Boolis) waa ciidanka dhidibada u aasay hormarka ka muuqda DDSI iyo amniga taamka ah ee kajira gayiga deegaanka soomaalidda itoobiyaa. Kuna guulaystay in uu helo taageeradda iyo garab istagga shacabka deegaanka soomaalida itoobiyaa kolsooni buuxdana kuqaba ciidankoodda maantana ay kufaanayaan sida xaqiiqdu tahay.   

Gunaanad:-

Hadaba waxaa xusid muddan ciidanka gaarka DDSI ee liyu boolis in uu yahay ciidanka hormarka deeganka dhidibada u aasay, sugayna amniga mana aha ciidan beel gaar leedahay ama maleeshiyaad beeleed balse yahay  ciiddan dawladeed oo bayaan iyo shuruuc kudhisan, ciidan hormarineed, ciidan shacab, lagana soo xulay dhamaan dagmooyinka iyo qabaleeya/tuulooyinka uu ka kooban yahay deegaanka soomaalida itoobiya odhan, waa ciidan si gaar ah u leh xirfad tababareed iyo mid dagaalba, kuna qalabaysan hub casri ah iyo gaadidka dagaalka, awoodna uleh in jawaab cad kabixiyaan cidkastoo isku dayda in ay khal-khal galiyo amniga deegaanka, kuna soo gardarooto xasiloonidda iyo daganaanshaha shacabka DDSI.  Waa ciidan sigaar ah utababaran kuna qalabaysan hub casri ah tixgalinna kuleh geeska Africa iyo nawaaxigiisa. Waa ciidan leh nidaam maamul oo tayadii aad usarayso kala dambay isu hogaansan iyo kala amar qaadasho, wana ciidan hormarineeed oo ah kabaha shacabka DDSI, una taagan in ay naftooda uhuraan shacabkooda iyo deegaankooda, gardarana ma yaqaanan, gardarana ma yeelaan, geeridina ma diidaan, gadaalna ma soo jeleecaan horaymooye.

Waxaad ogtihiin in ciidanka liyu boolis leeyahay awood ciiddan oo dhamaystiran iyo diraba, hawlkarnimo iyo geesinimo ahna ciidanka taaba galiyay hormarka DDSI iyo xasiloonidda, waa ciidan aan shaqsiyan aan qabo in uu yahay rajjada kaliyee leeyahay geeska Africa xalna u ah gabi ahaan amniga geeska afrikaa, hawlkarnimo ku muujiyay ficil, wana ciidan maanta dawlad deegaanka soomaaliyda, dawladda  fedaralka itoobiya, iyo shacabka DDSI ku indha kuushaan amhiyaad gaar ahna uleh shacabka DDSI, kana go’antahay in awoodda ciidannimo kor loo sii qaaddo, lana ogyahay guulaha ciidanka liyugu boolis ka soo hoyiyay dhanka amniga sahashayna in hormarka deegaanka dhidibadad loo aasso.      

By: By Ahmed Deeq Hussein, independent analyst. Fadlan ciddii kaqabta wax su’aal ah ama faahfaahin qoralkan waxaad ka soo xidhiidhi kartaa ciwaanka emailka: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.