Shirka Ganacsiga Afrika Ee Urur Goboleedyada Oo Maanta Kabilaabanaya Masar

Sharmal Sheikh(CN) Arbaco.June.10.2015, shirwaynihii 8aad ee ganacsiga Afrika gaar ahaa sadexda urur goboleed ee COMESA, Horumarinta bulshada Koonfurta Afrika(SADC), iyo urur goboleedka Horumarinta Bulshada Bariga Afrka(EAC) ayaa maanta shir ganacsiga ah uga furmay magaalada Sharmal Sheikh ee wadakaas Masar.

Shirkan oo ay ku heshiinayaan saddexdaas urur goboleed xoojinta ganacsiga xorta ah iyo abuuritaanka suuq wayn oo ganacsi ayaa waxaa kaqayb galaya raysal wasaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn iyo madaxda urur goboleedya Afrika.

Waxaana lafilayaa in hirgalinta heshiiska saddexda urur goboleed ee dhinaca ganacsiga xorta iyo suuqa wadamadaas ah ay kor u qaadi doonto horumarka iyo isbadalka dhaqaalaha wadamada Afrika.

Shirkan ganacsiga xorta ah ee Afrika oo kadhacaya magaalo dalxiiseedka Sharmal Sheikh ee wadankaasi Masar ayaa waxaa kasoo qayb galaya madaxda 26 wadan oo Afrika ah iyo caalamka ganacsiga.