Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maalinta Qurbajoogta Ee Heer Qaran Oo Markii Ugu Horaysay Dalka Laga Xusi Doono.

Addis Ababa(CN) Khamiis.June.11.2015, wasaarada arimaha dibada ee dawlada federaalka Itoobiya ayaa shaaca kaqaaday in markii ugu horaysay si heer qaran ah loo xusi doono maalinta qurbajoogta.

Warbixin ay dhawaan wasaaradu soo jeedisay oo kusaabsanayd wakhtiyadan ayay ku sheegatay in munaasibado kala duwan loogu dabaaldagi doono xuska Qurbajoogta oo dhici doona 6 ilaa 10 bisha Nahase ee sanadkan 2007 tirsiga dalka oo ku aadan 12 ilaa 16 bisha August ee sanadkan.

Masuul wasaarada arimaha dibada ah ayaa sheegay in arintani ay kaalin aad u balaadhan oo waarta u horseedayso kaqayb galkii qurbajoogta ee dhinac horumarka, nabada iyo maamulka suuban ee dalkooda.