Wafti ka socday mashruuca kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqadada ah ee bariga Africa (DRSLP) Oo Soo Booqday Qaar Kamid Ah Degmooyinka Uu Kahawlgalo Mashruucani.

Dhagaxbuur(CN)  Waxaa, maalintii shalay soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jijiga wafti balaadhan oo ka socday Mashruucaan gar’gaarka bani’aadanimo ee kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqadada  ee bariga Africa ee afka qalaad loo yaqaano (Drought Resilience and Sustainable Livelihood Program (DRSLP),

Waftigaa  oo  iskugu jira mid heer qaaradeed iyo mid qaranba ayna hogaaminayeen Dr Edmealem Shitaye,IDDRSI Coordinator for Ethiopia/IGAD iyo Dr Abdirahman Bayle  Director ORSP/AfDB, ayaa waxay ujeedada socdaalkoodu ku qotontaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen heerka uu gaadhsiisan yahay mashruucani iyaga oo soo maray wadamada uu ka hawlgasho mashruucani .

Waxayna, kulamo la qaateen masuuliyiinta xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta rermiyiga DDSI mudane Guuleed aw Cali Kaahin.

Kulamadaasi ka dib ayaa waxay waftigani booqasho ku gaadheen qaarka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani  nolasha dadka xoolodhaqatada aha ee ku nool bariga Afrika kor loogu qadayo islamarkana laga  Samatebixinayo  Abaaraha soo noq noqda ee dad & dunyaba wax yeleya, si loo  xaqijiyo loona adkeeyo waaritaanka  xoolodhaqatanimada.

Waftigan oo uu hadda kor kacayay wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga ayaa waxay, ku lug horeeyeen degmada araarso oo ka mid ah degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani. Iyaga oo bulshada xoolo dhaqatada ah la qaatay kulamo kala duwan.
Waftigan oo ka hada ku sugan xarunta gobolka jarar ayaa waxay booqan doonaan degmooyinka uu ka shaqooyo mashruucani.

Haddaba sida uu ugu waramay shabakada wararka ee cakaaraNews wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI mudane guuleed aw cali kaahin  ayaa yidhi

“Mashruucan Horumarinta reer guuragu ah waa Mashruuc balaadhan oo loogu talagaly wadanada IGAD sida  Ethiopia, Kenya, Djabuti, Somalia iyo  Sudan   si uu wax uga qabto dhanka abaaraha sababa dhimasho badan ee ku habsada bulshada reer guuraga ah ee geeska Africa,  Ujeedada ugu balaadhan ee mashruucani   qabanayo waxaa kamida ah:- Dhimida abaaraha, la dagaalanka saboolnimada & dardar galinta kobaca dhaqaale ee bulshada xoolodhaqatada ah Kor u qaadida tayada iyo waxsoo saarka bulshada Tayo siinta bulshada xoolodhaqatada ah si ay uga gaashaantaan khasaaraha abaaru keensadaan islamarkaana  aysan ku tiirsanaan xili roobaadka “

Mudane Guuleed oo hadalkiisa sii wada ayaa tilmaamay in  Mashruucaan  ay  dalkeena ka  faa'iideysanaya Degaanada Anfarta Iyo Degaankeena soomalida oo kaliya sidoo kale waxa uu sheegay in  Mashruucan oo uu maalgaliyey Bangiga Horumarinta Africa (AfDB) uuna  uu socon doonaa mudo 15 sano ah loona fulin doono sadex waji. Wajiga koobaad wuxu bilawday sanadki 2013 kaa soo ka bilowdey 9 degmo oo degaanka ka mid ah ( Ararso,Birqod, Qabridahar, Marsin, Goljaano, Qubi, Hadhagala, Raaso, Iyo Mubarak),

Wuxuuna sheegay in mashruucani intii uu ka hirgalay deegaankeena xooga  la saaray  wax kaqabashada: maamulida khayraadka dabiiciga ah sida horumarinta biyaha, dhul daaqsimeedka iyo Daryeelka carada Horumarinta Xoolaha & Suuqgaynta sida dhisida suuqaqa xoolaha iyo isku xidhka  Kobcinta Tayada adeeg bixiyayaasha( cududa shaqalaha & hayadaha) sida siinta tababaro kala duwan oo la xidhiidha cilmiga biyaha, xanaanada xoolaha, xogta suuqgaynta

Mashruucaan ayaa wax toos u fuliya qaybta dalkeena wasaarada xoolaha beeraha ee heer fadaraal iyo deegaanada soomalida iyo canfarta, waftigan ayaa waxaa la filayaa marka ay ku soo noqdaan xarunta DDSI in ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI.