Golaha Cabinetka DDSI Oo Ansixiyay Koradh Miisaaniyadeed Oo Fadhiyada Garsoorka Ah.

Jigjiga(CN) fadhi uu dhawaan yeeshay golaha Capinetka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu ansixiyay miisaaniyad koradh ah oo loogu daray fadhiyada garsoorka deegaanka taasoo dhanka kharashaadka kacaawin doonta garsoorada deegaanka.

Go'aankan uu golaha cabinetku kusoo saaray lacagtan koradhka ah (incentive) ayaa loogu tala galay in fadhiyada garsoorku ay u isticmaalaan kharashaadka sida kirada guriga, transportiga, laydhka iyo kharashaadka lamidka ah.