Qaar Kamid Ah Masuuliyiinta Xukuuamda DDSI Oo Garoonka Diyaaradaha Ee Garaad Wiil Waal Airport ku Soo Dhaweeyay Qaar Kamid Ahh Hogaaminta Jahliyada Wadanka Sweden.

Jigjiga(CN) waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international airport, qaarka mid ah hogaaminta jahliyada Sweden gaar ahaan kuwa magaalada Linkoping ee wadanka swedan oo uu ka mid yaha gudoomiyaha jahliyada magaalada Linkoping mudane yaasiin Sheikh Dahir, xoghayaha jahliyada magaalada Linkoping mudane Cabdirisaaq Maxamed iyo waliba mudane Cali Maxamed oo ka mid ah qurba joog ganacsade ah oo u socda in uu deegaanka maalgashi ku sameeyo.

Waxaana, ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wii wiil waal aiporti masuuliyiin ay ka mid yihiin, maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudne Cabdilaahi Garbo, maareeyaha wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI mudane Nasradiin Maxamed, ku xigeenka hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI iyo waliba masuuliyiin kale.

Waxaana ugu horayntii qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka gudoomiyaha jahliyada magaalada Linkoping mudane yaasiin sheikh Dahir oo si mug leh ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada sida diiran ee loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal. Wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada socdaalkooda taasi oo uu sheegay in ay u socdaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlaha horumarka ee sida xawliga ah uga socda deegaanka sidoo kale waxa uu ka warbixiyay sida ay jahliyada wadanka swedan iskugu xidhan tahay ee ay uga wada qayb qaadanayaan arimaha horumarka iyo nabadglayada.

Sidoo kale waxaa dhankiisa ka hadlay xoghayaha guud ee jahliyada magaalada Linkoping e wadanka swedan mudane cabdirisaaq maxamed oo si durugsan ugu mahad celiyay guud ahaanba xukuumada DDSI sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay garoonka diyaradah, wuxuuna sheegay in uu socdaalkoodani ku soo beegmay xili ay xukuumada DDSI guulo noqday gashi horumarineed ka soo hoysay qorshyaashii horumarineed ee ay dajisatay iyo waliba xili loo diyaar garoobayo hirgalinta qorshaha GTP2ga , mudane cabdirisaaq oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay in ay guud ahaanba jahliyada wadanka swedan ugu hanbalyaynayso xukuumada iyo shacabka DDSI sidii quruxda badnayd ee ay u qabsoonday doorashadii dhawaanka qabsoontay dalka iyo deegaankaba.

Maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI mudane Nasradiin Maxamed iyo ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI  ka hadlay soo dhawaynta qurba joogtan ayaa sheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin soo dhawaynta qurba joogtan ka qayb qaadanaysa hawlaha horumarka iyo nabadgalyada DDSI waxayna sheegeen in ay guud ahaanba qurba joogta DDSI tahay mud ku dayasha mudan oo si buuxda uga qayb qaata hawlaha horumarka iyo nabadgalyada si balaadhana u maalgashaday deegaankooda iyaga oo ku booriyay in ay dhaamaanba qurba joogtu sii wadaan dadaalkooda xukuumaduna ay diyaar ku tahay garab istaagooda.