Shirwaynihii Oo Maalintii Labaad Galay Iyo Wasiirka Arimaha Federaalka Itoobiya Oo Qoraal Daraasadeed Kusaabsan Aafooyinka Xagjirnimda Kasoo Jeediyay Shirwaynaha.

Jigjiga(CN) Isniin.June.15.2015 waxaa maalintii labaad galay shirwayanaha caadiga ah oo ay shacabka iyo xukuumada DDSI sanad walba xiligan oo kale ka arinsadaan aayaha geedi socod ee cadaalada, horumarka, nabada iyo maamulka suuban kaasoo kasocda madasha SMCX ee caasimada magaalada Jigjiga.

Shirwaynahan oo ah astaanta ama halbowlaha maamulka Suuban (Good governance) ayay shacabka iyo xukuumadu ku lafa guraan sanadle kasta waxyaabaha qabsoomay, dhinaca adag, dhinaca liita iyo dhamaanba qorshayaashooda ku aadan xaqiijinta cadaalada, horumarka, nabada iyo maamulka Suuban.

Sida aad warbaahinta kala socoteen shirwaynahan oo maalintii shalay labadii galinba aad looga hadlay qodobo badan oo sooyaalka nabadeed iyo kan horumarineedba ah kuwaas oo uu si xeel dheer u soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamauud Cumar, ayaa gaar ahaan waxaa shalay gurigu si wayn u lafa guray arimaha horumarka, nabada iyo cadaalada iyo heerka deegaanku soo maray, talaabooyinkii wax ku oolka ahaa ee looga soo gudbay caqabadihii soo jiray. Waxaana shalay ugu danbayntii gurigu qodobadaasi ka gaadhay fahan midaysan iyo go'aamo dhaxal gal u ah mustaqbalka.

Hadaba waxaa maanta guriga hadheeyay arimaha laxidhiidha ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee diinta islaamka iyo kahortaga aafooyinka ama fikirada sumaysan ee diimaha gabaadka kadhigta sida xagjirnimda, argagixisada iyo shaqsiyaadka nabadiidka ah ee horumarku u cuntamin. Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kawaramay jihada cad ee shacabka iyo xukuumada DDSI ka qaateen xagjirka iyo argagixisada kuwaas oo wadamada jaarka ah tusaale  cad looga qaadan karo dhibaatada ay kuhayaan. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay in argagixisadu kudhex dhuuman karto madarisadaha caruurta labaro iyo manhaajyiida oo ah warshada abuurta argagixisa loona baahanyahay in laga hortago oo lagu xakameeyo madarisdaha duruusta iyo manhajyada waafaqsan diinta islaamka ee asalka ah.

Waxaana qodobadan maanta si balaadhan oo qoraal daraasadeed ah u soo jeediyay wasiirka wasaarada arimaha fedraalka ee DFI mudane Dr. Sheferew T/Mariam oo shirwaynaha marti ku ahaa  ugu horayntiina si qoto dheer ugu mahad celiyay shacabka DDSI dalka iyo dibada meelkasta oo ay joogaan sida ay uga qayb qaataan hawlaha horumarka iyo nabada, isaga oo sheegay in ay yihiin shacab u bislaaday arimaha nabadgalyada iyo horumarka, wuxuuna  tilmaamay in ay yihiin shacabkii ka  tir tiray  deegaanka iyo dibadaba hadhaagii horey u soo naafeeyay deegaanka ee nabadiidkii UBBO, iyagoo kaashanaya ciimadada Liyuu Poliska. Wuxuuna wasiirku sheegay in ay yihiin shacab jecel isna garabtaaga xukuumada federaalka iyo deegaankaba oo dawlada faderaalkuna  u hayso shacabka DDSI sharaf mudnaan iyo qadarin dheeraad ah.

Wasiirka oo aad ugu boorinayay shacabka DDSI heerka ay maanta gaadheen ee dhinaca nabadgaliyada iyo horumarka ayaa warbixin dheer kasoo jeediyay guriga taasoo u badnayd khatarta iyo hababka ay argagixisadu leedahay oo arin caalami ah iyo sida ay diinta islaamka uga fogtahay.

Wasiirka oo daraasaadyo dhowr ah kasameeyay wadamada qaar dhinaca xagjirimada iyo fahanka laga qabo ayaa guriga u soo bandhigay warbixino uu ku dhiiri galinayay odoyaasha iyo hogaamin dhaqameedka deegaanka. Wasiirku waxaa uu carabka ku dhuftay in ay jiraan shaqsiyaad iyo ururo ka xun neecawda deegaanka iyo dalkuba hiigsaday kuwaas oo ku fashilmay sida UBBO, Alqushaash iyo waixii lamida.

Waxaa kale oo wasiirku sheegay in wakhtigii hore dadka lagu dhibi jiray xabad laakiin waxaa kadaran fikirka sumaysan ee kugu dhex jira ayuu yidhi wasiirku.  Sidoo kale wuxuu yidhi wasiirku " waxaan xaqiijinaynaa inaysan meel uga banaanayn kooxaha isku dayaya inay soo celiyaan Cadaadiskii iyo Derginimadii oo ay maanta shacabwaynaha Itoobiya xaquuqahoodii heleen kuna ilaashanayaan midnimo iyo walaaltimio wada jir ah.

Culimada,wax garadka iyo guud ahaanba guriga ayaa aad uga hadlay arimha xagjirka, argagixisada iyo meelaha ay kasoo galaan (ilaha) ama ku dhex dhuuntaan wuxuuna gurigu aad u soo dhaweeyay sida fahanka leh ee uu wasiirku uga waramay arimaha xagjirka uguna booriyay salaadiinta iyo shacabka sida ay u ilaashanayaan dhaqankooda iyo diinta islaamka ee Nabada ah. 

Dr. Shefrew oo maanta dhinacyo badan shirwaynaha kala wadaagay ayaa ugu danbaytii u soo jeediyay hogaamin dhaqameedka deegaanka inay sii xoojiyaan kahortaga ay ugu jiraan isku day kasta oo laxidhiidha argagixisada isagoo wasiirku sheegay inay aad muhiim u tahay in lagu ilaashado diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee islaamka madaarista iyo ilaha waxbarsho.

Iskusoo wada duuboo shirwaynahan sanadle oo wali sii soconaya kana soo baxaan qorshyaal iyo go'aamo gashi horumarinneed ayaa ah mid sidoo kalena lagu xaqiijinayo in shacabku yahay xaqlaha iska leh hirgalinta waxqabadka qorshayaasha horumarineed.