Masuuliyiin Heer-Deegaan ah oo Si Sare ugu Soo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Garaad Wiil-Waal Fanaanada qaranka Nimco Wadani iyo Xoghayaha Sedyo Denmark.

Jigjiga(CN) Arbaco June-17-2015. Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga,gaadiidka iyo warshadaha mudane Khadar Cabdi ismaaciil,wasiir,Komishinga Guud ee Booliska DDSI Ridat Comisioner Maxamuud C/laahi(qayo), kuxigeenka Caafimaadka mudane C/fataax Siciid,wasiir kuxigeenka xafiiska xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane baashe cabdi,Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Qurbajoogta Cabdi Khaliif Buraale(dhoonbe) iyo Xaawo Aadan oo ka mida Ganacsatada ugu waawayn Deegaanka ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga Garaad Wiil-waal international airport si diiran ugu soo dhaweeyeen fanaanada caanka ah ee Nimco Wadani(Dareen) iyo xoghayaha ururka dhalinyarada SEDYO ee wadanka Denmark Mudane fadxi (ilkacase) oo uu ka soo gadhqaaday magaalada Addis Ababa Abwaanka Qarniga Axmed Budul.

5tii sano ee ugu danbaysay ayaa ay xukuumada maantu askuntay xidhiidh iyo wadatashi ka dhex abuurma Qurbajoogta iyo Xukuumada maanta ka arimisa DDSI taasoo natiijo midho dhashay keentay waana ta maanta xididada uga siibtay UBBO iyo xasabadeedii 5ta Qaaradood.

Ciidamada gaarka ah ee Geesiyada Liyuupolice iyo shacabka ayaa Nimco dareen(wadani) ayaa ay ku xasuustaan doorkeedii hagar la'aaneed ee ay ka qaadatay dhinaca wacyigalinta bulshada iyadoo inta badan gobolada iyo degmooyinka socdaalo dhaadheer kula soo martay Ciidamada iyo xukuumadaba.

Isku soo wada duuboo Nimco wadani iyo ilkacase ayaa aad ugu farxay soo dhawaynta iyo qaabilaada lagala hor yimid islamarkaana ugu baaqay qurbajoogta in ay wadankooda hooyo ku soo hirtaan muujiyaana kaalinta kaga aadan Horumarka,N/galyada,Maamulka suuban iyo Maalgashiga ka hano qaaday Guud ahaan DDSI gaar ahaana caasimada Jigjiga.