Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Goor Dahawayd U Kicitimay Dhanka Xarunta Dalka Ee Addis Ababa.

 

Jigjiga(CN) Khamiis.June.18.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goor dhawayd ka anbabaxay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil Waal airport isagoo u kicitimay dhanka xarunta dalka ee caasimada Addis Ababa.

Madaxwaynaha oo kamid ah gudiga fulinta ee Males Fondation ayaa kicitaaankiisu yahay si uu uga qayb galo shirka caadiga ah ee Bordhiga Males Foundation oo kadhacaya magaalada Addis Ababa. Waxaana shirka hogaamin doona gudoomiyaha bordhiga Marwo Azeb Masfin iyo gudoomiye kuxigeenka boardhiga mudane Kassa T/Birhaan oo ah afhayeenka golaha federeeshinka.

Waxaana kasoo qayb galaya xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee Boardhiga oo ay kamid yihiin 1- Marwo Azeb Masfin, 2- Mudane Kassa T/Birhan, 3-Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Gen. Samora Yonis, 4-madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, 5-wasiirka arimaha dibada ee DFI Dr. Tedros Adhanom, 6-madaxa golaha dhexe mudane Tedros Hagos, 7-Samhal Males, 8-madaxwaynaha Benshangulka mudane Axmed Nasir.

Waxayna gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee Bordhiga Males Foundation ay ka wada hadli doonaanaan qorshayaashii Foundationka iyo waxyaabihii ka qabsoomay. Males Foundation ayaa la aas aasay kadib geeridii raysal wasaarihii aragtida dheeraa ee Males Zinaawi.

Wuxuuna Foundation ku hirgaliyaa qorshayaasha horumarineed iyo sidii ay u sii socon lahaayeen jihooyinkii siyaasadeed ee hogaamiyihii hore ee dalka.