Olale Dhirbeerida Oo Uu Soo Abaabulay Ururka Hormarinta Soomaalida Itoobiya(UHSI) Ayaa Kadhacay Dugsiga Modelka Ah Ee Magaalda Jigjiga.

Jigjiga(CN) waxaa maanta dhir beerid lagu sameeyay dugsiga hormuudka Jigjiga, oo hore loo odhan jiray dugsiga hoyga agoonta. Balse  markii dugsigii hoyga agoonta loo badalay  dugsiga hoyga aqoonta ee ku yaala xaafada 11 ee maamulka magaalada jijjga ayaa waxaa dugsigana loo badalay dugsiga modelka jigjiga.

Xukuumada DDSI ayaa waxay dajisatay qorshe ku wajahan, in dugsigan laga dhigo dugsi model ah ama hormuud ah, oo lagu bar baariyo ardayda ugu tayo wanaagsan dhinaca waxbarashada oo laga soo xuli doona ardayda ugu dhibcaha wanaagsan fasalada 8aadka dhamaan deegaanka, waxaana hirgalinta dugsigan gacanta ku haya ururka horumarintasoomalida Itoobiya (UHSI).

Haddaba ururka horumarinta Soomalida Itoobiya ayaa waxa uu diyaar garow meeqaam sare ah oo dhinaca kasta leh  ugu jiraa qaabilaada  ardaydaasi laga soo xulayo dugsiyada kala duwan ee ku yaala deegaanka, wuxuna si qurux badan ugu sii diyaarinayaa dugsigan  modelka jigjiga qaybihii kale duwan

Waxaana saaka dhirbeerid lagu sameeyay barxadaha waawayne ee uu leeyahay dugsigani model jigjiga,  iyada oo ay dhirbeeridan ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan, ku simaha maareeyaha ururka horumarinta Somalida Itoobiya mudane Cabdinaasir Shukri, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan iyo waliba masuuliyiinta iyo shaqaalaha dhamaan xaafadaha maamulka magaalada jijiga.

Dhirbeeridan oo ka mid ah istaraatijiyadaha iyo qorshayash xukuumada DDSI eeu qotoma cagaarita deegaanka,  ayaa waxaa, madashaasi lagu beeray inka badan 3,000 kun oo geed, waxaana geedkii ugu horeeyay ku beeray madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudne Mawliid Haayir Xasan oo ku booriyay dhamaan bulshada deegaanka in ay beeraan dhirsi uu deegaanku u noqdo mid cagaaran isaga oo madaxwayne ku xigeenku si qoto dheer uga waramay ahmiyada ay leedahay dhirtu iyo ilaalinta deegaanku goobtan isguulkuna yahay goob ku haboon dhirta korna u qaadaysa bilicda isguulka ardaydana ay faa’iidooyin badan ka helayaan.

Dhankiisa ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida Itoobiya mudane Cabdinaasir Shukhri oo la hadlayay warbaahita deegaanka ayaa waxa uu ka warbixiayay sida quruxa badan ee ay ugu diyaar garoobeen qaabilaada ardayda wax ku baran doonta dugsiga model jigjiga isaga oo sheegay in qayb ka tahay u diyaar garowga ardayda dhirbeeritaanka maanta oo gashi horumarineed u noqonaya cidkasta oo ka qayb qaadatay dhirbeeridan. Wuxuuna ku simihu sharax guud ka bixiyay dhirtani maanta la beerayaa manaafa caadka ay u yeelan doonta ardayda soo galaysa iyo bilicda isguulkaba.

Wuxuuna maareeyuhu siwayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI iyo shaqaalaha dawlada ee ka qayb qaatay dhirbeeritaankan maanta lagu sameeyay dugsiga model jigjiga.