Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Doorashadii 5aad Ee Dalka Itoobiya Oo Natiijadii Ugu Danbaysay Barito Lagu Dhawaaqi Doono.

Addis Ababa(CN) Axad.June.21.2015, sida ay warbaahinta u xaqiijisay bordhiga doorashooyinka qaranka waxaa barito shaaca laga qaadi doonaa dhamaan natiijooyinka doorashadii 5aad ee dalka kadhacday.

Waxaana guud ahaan barito shaaca laga qaadi doonaa natiijada guusha ee xisbiyadii kutartamayay golaha baarlamanka dalka iyo deegaanadaba. Waxaana si dhab ah loo ogaan doonaa sida ay u doorteen 36.8 milyan shacabka isu diwaan galiyay ee kaqayb qaatay doorashada.

Bordhiga doorashooyinka oo kaduulayay natiijooyinkii la uruurinayay ayaa horey qayb kamida u shaacaiyay in kuraasta golaha wakiilada shacabka Itoobiya oo ah 547 ay ku guulaysteen 442 kamida xisbiyada EPRDF iyo Bahwadaagtooda.

Waxaana barito dhamaan kuraasta baarlamanka ee dalka iyo deegaanadaba shaaca laga qaadi doonaa intii horey lashaaciyay iyo inta kadhimanayd kuraasta ee aan horey loo shaacin.