Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

NATIIJOOYINKA DHINACA ADEEGA QUWADA KORONTADA EE 5TI SANO LAGA SOO HOOYEY WAA MIDHAHA GUUSHA MAANTA XDSHSI U SOO HOYATEY KUNA HANTAY KALSOONIDA SHACABKA.

Jigjiga(CN) Talaado Jun-24-2015.sida aan lawada socono qorshaha & strategiyada horumarineed ee dalkeena waa mid ku salaysan strategyada loogu yeedho horumarinta beeraha oo lagu hagto nidaaamka warshada ( ADLI) agricultural development led industrilazation oo sal u ah geedi socodka horumarinta guud ee dalka iyo deegaanka, hadaba si looga midho dhaliyo qorshe yaashaas waxyaabaha ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ah horumarinta Tamarta taageeri karta strategyada taas oo quwada korontada ugu muhiimsan tahay si kor loogu qaado wax soo saarka xoolaha & beeraha looga suuro galiyo kobcinta warshadaha.

Hadaba si looga midho dhaliyo yoolasha lagu dhiiri galiyo horumarinta warshadaha waxaa laga maarmaan noqotay in la qorsheeyo mashaariic waa wayn oo ku wajahan quwada korontada islamarkaana la fuliyo .

Sida uu Wariyaha Cakaarenews u sheegay kuxigeenmka Xafiiska Horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha mudane Axmed Shukri waxaana qorshaha shanta sano la dhigay qorshe cad oo ku salaysan baahida dhabta ah ee deegaanka soomaalida itoobiya, xukuumaduna ku bixisay wakhti, fikir iyo wada tashi badan oo lagu qorsheeyey mashaariic laydh galineed oo waawayn kana mid yihin:

1. mashruuca laydh galinta fiiq( Fik hydro electric power project)

2. mashruuca laydh galinta Godey (Gode Hydro electric power project)

3. mashruuca laydh galinta ee Dh/Buur( Jigjiga-Dh/bour Hydro electric power project)

4. Mashruca laydh galinta ee K/Dahar( Gode-K/Dahar hydro electric power project) iyo

5. laydh galinta 368 magaalo & tuulo oo kamida degmoyinka deegaanka.

masuulka oo ka warbixinaya qorshayaashii loo dajiyay dhanka balaadhinta quwada koronta ayaa yidhi ugu horayn waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Hogaaminta XDSHS oo uu madaxwaynaha deegaanku ugu horeeyo taasoonu ka faaiidnay waxqabad muuqda iyo dhiirigalin aanu kaga dayanay ka midhodhalinta qorshayaasha shaqo iyo dhab u adeegida bulshada sidii looga saari lahaa Saboolnimada oo uu maadaxwaynaha iyo Hogaaminta xisbigu hormuud noogu ahaayeen.

Markii la helay hogaamin Daacada,cadaali ah kana go’an tahay in ay si dhab ah ugu adeegaan bulkshada ayaa si looga midho dhaliyo qorsheyaasha waxaa la diyaariyey qorshe midaysan oo ay wada jir u diyaariyeen Xukuumada iyo Shirkada Quwada korontada ee heer federal iyadoo si cad ukala qaateen iyadoo la raacayo strategyada deegaanka xaga ka midha dhalinta qorshsyaashaas iyadoo deegaanku ka qaatay kaalin lahaansho ku dheehantahay.

kadib wuxu deegaanku aas aasay 15 shirkado oo ka qayb qaato fulinta qorshayaashaas shirkadaahaas oo ay ka faaiidaysanayaan dhalinyaro u dhalatay deegaanka oo kasoo baxday kuliyadaha, Jaamacadaha deegaanka islemarkaana la siiyey tabobaro ku saabsan culuumta ay ka shaqaynayaan iyo lacago daymo ah iyo waliba goobihii ay wax kaso saari lahayeen. kuwaas oo ay kamid tahay shirkada dhismaha,iibka iyo adeegayada gaarka ah ee booliska DDSI taas oo ay deegaanku dhaxal siinaysa awood fulineed oo uu ku hirgaliyo mashaaricda muhiimka ah.

waxaa kale oo la sameeyey fagaarayaal lagu hagayo hogaaminta & geedi socodka hirgalineed ee mashaariicda taas oo kamida xeeladaha gaarka ah ee la adeegsaday waxayna sababtay natiijooyinkan midho dhalka noqday kuwaas oo ah sida hoos ku xusan:

1. waxa 100% lagu guulaysatay mashruuca laydh galinta Harar-Fiiq oo quwadiisu tahay 132 K.V adeega bilaabayna sanadki 2005 degmooyinka Gobalka Nogob lasii gaadhsiin doono

2. Mashruuca laydh galinta Godey, Quwadisu tahay 230 K.V dhererkisun ahaa 519KM goobta laga soo jeeday, kana dhigay mashruucii ugu dheeraa mashaariicda laydhka ee Qorshaha GTP 1 ee dalkena Itoobiya waana isla mashruucaas midka looga jiiday degmooyinka shabeele iyo magaalada Qabridahar iyo dhamaan gobalka Qoraxay, mashruucan oo kuso kordhiyey ahmiyad wayn dhanka warshadaha ku haboon khayraadka wax soo saarka ee ku haboon sida: agro-processing industries iyo mashruuca khayraadka shidaalka Qoraxay. mashruucan ayaa 100% dhamaaday bixiyana adeegii loogu talo galay.

3. Mashruuca laydh galinta Jig-jiga - dhagaxbur: mashruucan waa mashruuc quwadisu tahay 132 K.V dhererkisu yahay 70KM looguna tala galy dhaamaan qorshayasha horumarineed ee gobalka jarar iyo nawaaxigeeda. mashruucan waxa uu marayaa 70% isle markaana kusocda dardar xoogan laguna soo gabogabaynayo 6 bilood ee inagu soo aadan.

4. Mashruuca laydh galinta ee Godey-Qabridahar mashruucan waxaa uu bilawday sanadkii 2006 waxaa la sameeyey dhul diyaarin iyo dhamaan daraasaadki muhiimka ahaa waxaa lagu guda jiraa fulintii mashruuca iyadoo la dhamaystiri doono sanadka 2009 ka guud ahaan mashaariicada 3 ah ee Qorshaha 5sano ee waawayn markaan eegno waxa la odhan kara in ay 92% laga midhi dhaliyey laguna tilmaami karo in lasuurto galiyey iyadoo la raacayo xeeladaha aan hore kusoo sheeganay dhinaca kale markaan eegno mashaariicda laydh galinta magaalooyinkla iyo tuuloyinka ee 368 magalo/tuulo lagu galinayey laydhka.

Masuulkoo sii wata hadalkiisii ayaa yidhi  waxaa dhamaaday 160 kamida waxaa iyaduna meel fiican maraya 100 magaalo/tuulo oo bilaabi doona adeegan bishan, waxaana gacanta lagu hayaa 108 magaalo/tuulo. tiirasha shubka ah ee loo isticmaalayo laydh galinta ayaa waxaa sameeya 7 shirkadood oo an shirkadaha yar yar ee xukuumadu dhistay haatan 3 kamida ayaa bilaabay soosaarinta 4 kalena ay ku jiraan diyaar garawgi, taasina ay tilmaam cad u tahay awooda fulineed ee shirkadaha deegaanka ee shaqo abuurka loo sameeyey iyo sida uu deegaanka soomaalida itoobiya uga midha dhaliyo barnaamijyada laydh galinta tuulooyinka ee ka socda dalka kaaso loo yaqaano Universal electrification access program , barnaamijkan oo laf dhabar u noqday adeegayada kala duwan ee bulshada ay u baahan tahay iyo kaabe yaasha dhaqaale ee kala duwan.

Isku soo wada duuboo waxaa xusid mudan in xukumada DDSI ee uu hogaamiyo X.D.SH.S.I iyadoo muujisay karti hogaamin ku dheehan tahay tabo & xeelado fulineed oo iskaashi iyo wada jir ku salaysan lagu suuro galiyey natiijooyinkaas laga soo hooyey Sectorka Quwada korontada oo laf dhabar u ah isbedalka iyo koboca dhaqaale ee xawliga uga socda haatan si balaadhana uga hirgalay deegaanka soomalida itoobiya.