Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kusimaha Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomalida Itoobiya Oo Kawarbixiyay Kaalinta Uu Ururku Kaga Jiro Hirgalinta Qorshayaasha Horumarineed Ee DDSI U Dajisan.

Jigjiga(CN) ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya mudane Cabdinaasir Shukri oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanayaa ka warbixiyay waxqadakii ururka horumarinta somalida itoobiya iyo kaalinta muga leh ee uu ururka horumarinta somalida itoobiya ku leeyahay kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolimada.

Warbixinta, uu siiyay ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya warbaahinta deegaanka  oo ku sar go’anyd guulaha waxqabadka uu ururku ka soo hooyay dhinacyada adeegyada horumarineed, sida adeega caafimaadka,  waxbarashada, biyaha, xidhiidhka bulshada iyo  wacyigalinta iyo kor u qaadida xidhiidhka qurba joogta.

Mar uu ka hadlayay, ku simaha maareeyuhu dhinaca waxqabadka waxbarashad, ayaa waxa, uu sheegay in ururka horumarinta soomalida itoobiya oo kaashanaya xafiiska waxbarashada DDSI uu ka hirgaliyay dugsiyada magaalada jigjiga dhismayaal lagu balaadhinayo, qaybaha fasalada sida dugsiga dhexe sare ee sheikh cabdisalaam, oo uu qaybo dhismayaal muhiim ah ka dhisay ururka. Sidoo kale uu ururka dhismayaal lagu balaadhinayo dugsiyada wiil waal iyo ahmad guray uu ka hirgaliyay wakhti koobana lagu soo lagu dhamays tiray dhismayaashaasi taasi oo ayad istaraatajiyay ay xukuuamda DDSI qaadatay hirgalintiisana uu ururka hirgaliyay.

Isaga oo  maareeyuhu sii wada hadalkiisa ayaa waxa  tilmaamay in uu ururku dhismayaal xarumo waxbarasho ka hirgaliyay qaybo ka mid ah xaafadaha maamulka magaalada jigjiga  iyo waliba in uu ururku ka sameeyay dhismayaal isguulo ABE degmooyinka Raaso iyo imay.

Waxaa, kale oo uu ku simaha maareeyuhu sheegay in uu ururku dhamays tiray dayactirkii dugsiga model jigjiga oo lagu soo xerayn doono, ardayda ugu tayo wanaagsan, dhinaca waxbarashada ee ka soo baxday fasalka 8aad oo hadda sanadkan 2008 lagu bilaabidoona waxbarashadii.

Ku simaha maareeyuhu mar uu ka hadlayay dhinaca waxqabadka adeega biyaha ayaa waxa uu shegay in isaga oo kaashanaya haay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan hay’ada UNICEF uu ka hirgaliyay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka qotida barkahada kuwaasi oo hadda ay bulshadu ka hesho adeegii dhinaca biyaha ah, sidoo kalena uu ururku ka sameeyo biyo dhaamin mug leh degmooyinka deegaanka hadba meesha ay ka jirto biyo la aani,

Dhinaca caafimaad mar uu ka hadlayay ku simaha maareeyuhu ayaa waxa uu yidhi” ururka ayaa isaga oo ka jawaabaya islamarkaana xoojinaya adeegyada caafimaad ayaa waxa uu dugsiyada magaalada jijiga gaar ahaan dugsiga sheikh cabdisalaam. Xuseen giire, ahmed guray, wiil waal iyo dugsiga sare ka hirgaliyay xarumo caafimaad oo lagu daryeelo caruurta isguulada dhigata kuwaasi oo hadda bixiya adeegii caafimaadka”

Dhinca xidhiidhka qurba joogta ee uu sameeyay ururka ayaa waxa uu sheegay ku simaha maareeyuhu in kor loo qaaday  tirada xubnaha qurba joogta ah ee ka mid ah ururka islamarkaana uu xafiisyo ka furtay ururka wadamada UK, USA iyo Australia, taasi oo ay fudaydisay socdaaladii ay hogaaminta xukuumada DDSI ugu saraysa ee uu horkacayay madaxwaynaha DDSI ay ku soo mareen wadamadaasi.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay masuulku in kor loo qaaday tirada ka mid noqoshada ururka ee degmooyinka maamul magaalooyinka iyo waliba hay’adaha caalamiga ee aan dawliga ahayn ee ka hawlgala deegaanka kuwaasi oo guulo waawayn laga soo hooyay ka mid markii la balaadhiyay korna loo qaaday  dhinaca wacyigalinta sidoo kalenala xoojiyay  xidhiidhka uu ururku la leeyahay ganacsadada iyo waliba  ardayda jaamacadaha kale duwan ee dalkeena waxka barta.