Kulan Lagu Daaf Furayay Baraamijka Nafaqada Caruuurta Oo Uu Soo Diyaariyay Xafiiska Caafimaadka DDSI Ayaa Kadhacay Nogob Huteel Jigjiga.

Jigjiga(CN) Khamiis.June.25.2015, waxaa ka dhacay nogob huteel kulan balaadhan oo lagu daah furayay banaamijka nafaqada oo ah mid diirada lagu saarayo nafaqada caruurta dadoodu ka yar tahay 5 sano,waana  baraamij siwayn loogu dhimayo saboolnimada islamarkaana kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha  dalka iyo kan deegaankaba waana barnaamij horumarineed oo sii xoojinaya adkaynta  bulsho dhinac kasta ka tayaysan, waxaana soo  diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo kaashanaya hay’adaha ay bahwadaagta ku yihiin baraamijkan sida, save children, Unicef iyo USAID.

Waxaana daah furkii barnaamijkan ka soo qaybgalay qaarka mid ah wasiirada xafiisyada heer deegaan iyo masuuliyiina hay’adahaasi ka socday, masuuliyiin ka socday jaamacada jigjiga iyo kuliyada caafimaadka ee jigjiga  waxaana, ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka ahna  ku simaha xafiiska xafiiska caafimaadka DDSI  mudane Dr Cumar Maxamed Faarax.

Wuxuuna, dr ku  si qoto dheer uga hadlay ahmiyada uu leeyahay barnaamijkani nafaqadu  guud ahaanba deegaanka, wuxuuna sheegay in uu yahay mid lagu xoojinayo korna loogu qaadayo dayada nafaqada caruurta   deegaanka laguna qalajinayo naqada darnada soo wajihilahayd deegaanka, laguna  dhimo saboolnimada, isaga oo wasiir ku xigeenku ka warbixiyay hirgalinta barnaamijkan iyo istaraatajiyada kuwa dhaw dhexe iyo kuwa dheer ee lagu meel marinayo hiigsiga iyo hirgalinta barnaamijka.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI mudane Cabdinuur Colow wuxuuna, si mug leh uga waramay ahmiyada ay leedahay ka hortaga nafaqa darnada, isaga oo sheegay in xafiiska beeraha xoolaha iyo horumarinta reermiyiga u dadaal xoogan ugu jiro sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo nafaqadarnada taasi oo kor loo qaadayo tirada iyo tayada wax soo saarka beerahay iyo xoolaha, kor u qaadida farsamooyinka casriga ah ee ku haboon wax soo saarka cuntada

Barnaamijkan oo halku dhig looga dhigay” aan si wada jir ah uga wada shaqayno hirgalinta iyo xoojinta barnaamijka nafaqada  heer deegaan ilaa heer qabalee si loo helo bulsho tayaysan”  ayaa waxaa wabrixino sharax dheerka bixinaya barnaamijkan  ka soo jeediyay kulankaasi khabiiro ka socday xafiika caafimaadka DDSI,  hay’ada save children iyo Unicef.

Si loo adkeeyo hirgalinta barnaamijkan nafaqada oo ah mid kaalin mug leh ka qaadanaya hawlaha horumarka ayaa waxay halkaasi masuuliyiinta ka socday  xafiisyada bahwadaagta la ah  barnaamijka  hirgalinayaa   ay ku saxeexeen  heshiisyo ku sar go’an sidii  ay sagtar walba uga sii bixilahaa  lahaayeen doorka  ku aadan adkaynta iyo karaargalinta barnaamijka.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa, madashaasi   lagu aas aasay gudiga  isku duwida  iyo fulinta baraamijka nafaqada, gudigan oo uu hogaaminayo xafiiska caafimaadka DDSI ku xigeena ay ka yihiin  xafiiska beeraha iyo xafiiska waxbarashada, ayaa waxaa,  xubno joogta ka ah  xafiiska khayraadka biyaha,xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI, xafiiska arimaha haweenka caruurta iyo dhalinyarada, xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka, xafiiska arimaha bulshada, xafiisyo kale oo ka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo waliba hayadaha ay bahwadaagta yihiin.