Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War Deg Deg Ah: Shirkii Xisbiga Talada Haya Ee DDSI Oo Lagu Dhisay Xukuumadii Shanta Sano Ee Soo Socota.

Jigjiga(CN) Talaado.June.30.2015, sida aad kala socoteen shabakada cakaaranews waxaa xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga kasocday taniyo shalay shirkii xisbiga talada deegaanka haya ee ESPDP oo galay maalintiisii labaad.

Hadaba shirkan maanta ee golaha dhexe ee xisbiga oo ah golaha ugu awooda badan xisbiga ayaa maanta lagu go'aamiyay dhisida xukuumada shanta sano ee soo socota iyadoo ay markii hore soo go'aamiyeen gudiga sare oo ka kooban 7 xubnood kadibna gudiga fulinta oo kakooban 15 xubnood.

Waxaana Maanta golaha dhexe ee xisbiga oo ay goob joog ka ahaayeen 13 xubnood ee gudiga dabagalka go'aamiyeen xukuumada shanta sano ee soo socota taasoo uu xisbigu go'aan Ku Gaadhay maadaama uu Leeyahay Awooda Ugu Saraysa ee Dhismaha Dawlada.

Hadaba waxaa Maanta Xisbigu Ku Go'aamiyay Shirka Xukuumadii Shanta Sano Ee Soo Socota Waxuuna Dhismuhu U dhacay Sida Tan:

1- Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar

2-Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

3- Hanti Dhowrka Guud Ee DDSI Mudane Aadan kuusow.

3- Saddexda Madaxwayne Kuxigeen Oo Kala Ah 1, Mudane Cabdixakiin Cigaal ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI 2-mudane Mowliid Haayir Ahna Wasiirka Waxbarashada, marwo Sucaad Axmed Faarax Ahna Wasiirka Wasaarada Beeraha DDSI.

Sidoo Kale Waxaa La Go.aamiyay xubnaha kale ee Capinetka Oo Aan Dib Idiinka Soo Sheegi Doono.