Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudoomiyaha SEDYO Sweden Oo Hanbalyo Iyo Bogaadin U Diraya XDSHSI.

Jigjiga(CN) Arbaco.July.01.2015, Gudomiyaha SEDYO Sweden mudane Maxamed Xasan (Huways) ayaa shabakada CakaaraNews kusoo diray fariin hanbalyo iyo bogaadin ah waxuuna ku bilaabay sida tan:

Anigoo ku hadlay magacayga iyo magaca ururka dhalinyarada SEDYO ayaa waxaan hanbalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi karin u dirayaa XDSHSI oo dhawaan shirkiisii Jigjiga ku gaadhay go'aanka geesinimada iyo sharafta badan ee mar labaad loogu doortay madaxwaynaha DDSI muane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumadiisa.

Mudane Huways ayaa sidoo kale sheegay in ay taageero hadh iyo habeen ah lagarab taagnaayeen xisbiga iyo xukuumada uu hogaaminyao Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna sheegay in shanta sano ee soo socta ay Dhalinyarada SEDYO sii laba jibaari doonaan dadaalkoodii ku aadanaa horumarka, nabadagaliyada iyo maamulka suuban.