Qiimayntii Waxqabadka Garsoorka Cadaalada Ee Shantii Sane Lasoo Dhaafay Oo Kafurmay Hoolka SMXC.

Jigjiga(CN) Khamiis.July.02.2015, Waxaa saaka kafurmay madasha shirarka ee SMCX shirka qiimaynta cadaalada iyo garsoorka ee shanta sano, waxaana kasoo qayb galay hogaaminta sare oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha warshada DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar , masuuliyiinta cabinetka iyo gobolda, dhamaan haayadaha cadaalada.

Shirkan ayaa lagu qiimayn doonaa waxqabadkii shanta sano ee lasoo dhaafay lana soo jeedin doonaa warbixinta haayadaha cadaalada iyo garsoorka. Waxaana laqiimayn doonaa waxqabadkii dhinacyadii adkaaa iyo dhinaca jilicsanba.

Waxaana lafilayaa in uu shirkaasi kasoo baxo go'aamo iyo jihooyin dardar galin doona waxqabadka garsoorka, iyadoo ladhiiri galin doono islamarkaana la abaal marin doono shaqooyinka wax ku'oolka ah ee ku dayashada mudan.

Fahfaahinta shirka dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haduu Eebbe raali ka noqdo.