Dufcadii 18aad Oo Barito Ka Qalinjabainaysa Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta Ee Dr. Cabdul Majiid.

Jigjiga(CN) Jimce.July.03.2015, waxaa maalinta bari ah ka qalin jabainaya kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr. Cabdul Majiid dufcadii 18aad oo macalimiin ah kuwaas oo isugu jira 11 waaxood oo kala duwan.

Shabakada CakaaraNews oo la xidhiidhay kuliyada ayaa loo xaqiijiyay in maalinta bari ah ay dhacayso qalin jabinta macalimiin farabadan oo muddo 3 sano ah baranayay culuunta kala duwan ee waxbarashada macalimiinta.

Hadaba xafladan qalinjabinta ayaa lafilayaa in maalinta bari ah ay kadhacayso madasha shirarka ee SMCX halkaas oo ay kasoo qayb galayaan hogaaminta kala duwan, masuuliyiinta kuliyada, macalimiinta qalinjabinaysa, iyo marti sharaf kaloo badan.

Sida ay CakaaraNews ka heshay kuliyada waxaa shantii sano ee u danbaysay ka qalinjabisay kuliyada  22430 macalimiin oo isugu jiray waxaaha kala duwan ee ay kuliyadu bixiso. Waxayna taasi kor u qaadaysaa daboolka baahida macalimiin maadaama shantii sano ee u danbaysay xukuumadu aad u balaadhisay kuliyadaha iyo dugsiyada waxbarasho ee deegaanka.