Kuliyada Macalimiinta Dr.Cabdimajiid Xuseen Oo Ay Maanta Dufcadii 18aad Ka Qalin Jabiyeen Macalimiin Dhan 372.

Jigjiga(CN) Sabti.July.04.2015, xafladdii qalin jabinta macalimiinta wax ka baran jiray kuliyada macalimiinta Dr  cabdimajiid xuseen oo ahayd mid si aad u qurux badan loo soo agaasimay, ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX.

Waxaana, ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, maareeyaha kuliyada macalimiinta mudane Maxamuud Axmed Nuur, qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI qurba joog, macalimiinta qalin jabinaysay iyo waliba waalidiinta iyo asaxaadta ardayda qalin jabinaysay.

Xafladaasi qalin jabinta ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo ugu horayntii u hanbalyeeyay qalinjabiyayaasha wuxuuna, si durugsan uga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee kuliyada dr cabdimajiid xuseen,  laga  soo bilaabo  wakhtigii la aas aasay iyo heerka ay maanta marayso, wuxuuna, sheegay in ay maanta ka qalin jabinayaan dufcadii 18aad arday dhan 372 arday, halka ay ragyihiin 314 haween 58, kuwaai oo dhamaystay waxbarashada heerka Diploma ee xiliga joogtada ah (regular)

Maareeyaha kuliyada oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in kuliyadu dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u bixin lahayd waxbarasha heerka degree ga ah  iyo soo saarida arday tiro iyo tayo leh oo ka qayb qaada dadaalada loogu jiro qalajinta jahliga.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka hadlay xafladdii qalin jabinta kuliyada macalimiinta oo ugu horayntii u hanbalyeeyay macalimiinta qalin jabinaysa ayaa si qoto dheer uga warbixiyay  dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu hirto xaqiijinta iyo hirgalinta siyaasada iyo istaraatajiyadaha waxbarasho tayaysan, taasi oo ay ka mid tahay kobcinta dayada iyo xirfada baraha.

Madaxwayne ku xigeenka oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu tilmaamay kuna in ay bare kasta waajib ku tahay in uu hormuud ka noqdo hirgalinta qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha ku wajahan waxbarashada deegaanka sidii loo sii xoojin lahaa waxbarasho tiro iyo tayo leh, waxbarasho loo han yahay, waxbarashi loo siman yahaya korna loo qaado waxbarashada haweenka.

Wuxuuna ku booriyay ardaydii qalin jabinaysay in ay sii xoojiyaan waxbarashadooda islamarkaana ka soo dhalaalaan kaalinta uu shacabka iyo xukuumada ka sugayso kuna sifoobaan sifooyinka haraha wanaagsan kana soo baxaan waajibaadka ay xukuumadu idinka sugayso.

Dhankiisa madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo khudbad ka soo jeediyay xafladii qalin jabinta ayaa ugu horyntii u hanbalyeyay ardayda qalin jabinaysay iyo maamulka kuliyada, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay in ay waxbarashadu tahay tiirarga ee shacabkeenu ku hanan karo gaadhi karo horumar waara, nabadgalyo iyo maamul suuban oo waara.

Wuxuuna tilmaamay in uu bare kasta masgaxda ku hayo in caruurta yar yare ee wax labarayo maanta yihiin hogaaminta mustaqbalka ee jiilka soo socda ee shacabkeena (leaders of next generation).

Wuxuuna ku booriyay in ay noqdaan kuwa noda ciidan horumarineed kana soo baxaan doorka kaga aadan hirgalinta qorshaha GTP2  in ay ilaaliyaan sinaanshaha sinjiga ee dhinaca waxbarashada kuna dadaalaan kor u qaadida ka qaybgalka dhinaca waxbarashada haweenka.

Ugu danbayntii waxaa madashaasi ay xafladu ka socotay lagu gudoonsiiyay abaalmarino ardaydii gashay kaalmaha  ugu horeeya ee dhinaca waxbarashada waxaana, si wada jir ah u gudoonsiiayay abaalmarinahaasi ardayda 2da  madaxwayne ku xigeen ee DDSI, mudane Mawliid Haayir iyo Cabdixakiin Xigaal Cumar.