Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hooyo Sirad Sheekh Axmed Ayaa Taarikh Cusub Kusoo Kordhisay Bulshaweynta Somalida Ee Magaalada Minneaolis Iyo Mayarada Magaalada Oo U Mahadcelisay.

Minneapolis(CN) Sabti.July.04.2015, hooyo Sirad Sheekh Axmed oo ah hooyo ka soo jeeda DDSI ayaa waxay taarikhda markii ogu horeysay samaysay arin aad looga soo dhaweyay dalka mareykanka gaar ahaana gobolka Minnesota  Minneapolis.

Hooyo Sirad sheekh Axmed ayaa waxaay markii ogu horeysay soo ban-dhigtay buug-afsomali ku qoran oo ay ka mid tahay dadka wax ka qoray hooyo Sirad Sheekh Axmed ayaa waxaay waqti badan galisay sidi aay mar uun caruurta soomaalidu u heli lahaayeen buug ku qoran afka-somaliga oo aay ka bartan afkoda hooyo.

Hadaba hooyo Sirad Sheekh Axmed ayaa waxaay ku guuleysatay in manta caruurta somalida ah ee ku nool gobolka minnesota helaan buug ay ka faa'iideystan  hooyo Sirad Sheekh Axmed oo ku xeeldheer afka somaliga dhanka sugaantana aad ogu fiican ayaa waxaay in mudo ahba ka wada shaqeynayen in la helo buug si fudud caruurtu ooga faiideysan karaan qoraga weyn ee somaliyed waa (mudane Suleban Maxamud Said Dhoodi) iyo Sirad Sheekh Axmed aya waxay bogaadin ka heleen mayarada magaalada Minneapolis.

Mayorka Betsy Hodges ee magaalada Minneapolis ayaa hooyo Sirad ku soo boqatay goobteda shaqo oo ku taala mallka 24 ka, waxayna hooyo Sirad oga mahadcelisay sida wanaagsan ee aay u cawisay caruurta Somaliyed ee ku nool magaalada Minneapolis.

Haddii aad u baahato buugaas waxaad ka heli kartaa Tawakal book store Minneapolis MN.