Gudoomiyaha Ururka SEDYO Finland Oo Bogaadin Iyo Hanbalyo U Diray XDSHSI.

Finland(CN) Axad.July.05.2015, gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee SEDYO Finland mudane Yuusuf Axmed Maxamuud ayaa bogaadiyay hanbalyana u diraya XDSHSI oo go'aamiyay in shanta sano ee soo socota uu hogaamiyo xukuumada madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Gudoomiyaha ayaa kubilaabay '' Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ururka SEDYO Finland waxaan hanbalyo iyo bogaadinba u dirayaa xisbiga iyo siduu u go'aamiyay xukuumada cusub ee shanta sano islamarkaana uu hogamaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo mudan hogaaminta shanatan sano iyo kabadanba.

Madaxwaynaha iyo Afhayeenka baarlamanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq waxaa ay muujiyeen hogaamin leh ka go'naansho iyo daacadnimo taasoo horseeday kalsoonida shacabka iyo isbadalka maanta uu gaadhay deegaanku oo aysan cidna iska indho tiri karin ayuu yidhi mudane Yuusuf.

Mudane Yusuf ayaa uga mahadceliyay xisbiga iyo shacabka sida isku duubnida leh ee ay u hirgaliyeen doorashadii 5aad oo u dhacaday sidii ugu nabadgaliyada badnayd islamarkaana ay ku doorteen hogaaminta mudan in ay sii wadaan hayaanka horumarineed ay muujiyeen. Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay garab taaganyihiin kaalintoodana ay kasoo bixi doonaan qorshayaasha horumarineed ee shanta sano ee soo socota.