Daawo: Hanbalyada Iyo Bogaadinta Jaaliyada DDSI Ee North America U Dirayaan Xisbiga Iyo Xukuumada DDSI.

Minneapolis(CN) qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI Waqooyi Ameerika oo u hanbalyaynaya XDSHSI go'aankii uu ku gaadhay in madaxwayne Cabbi Maxamuud Cumar mar labaad wadanka hogaamiyo.

Maamulka jaaliyada, hogaaminta sare ee xisbiga , iyo dhamaan ururada dhalinyaada iyo haweenka ee kajira Waqooyi Ameerika ayaa shir balaadhan oo ay xalayto ku qabteen caasimada Minnesota ee Minneapolis si wayn u taageeray go'aankii golaha dhexe ee XDSHSI uu kusoo dhisay hogaaminta sare xukuumada shanta sane ee soo socota.

Bulshawaynta reer DDSI ee ku dhaqan caraiga maraykanka ayaa u hanbalyeeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka baarlamanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq oo sheegay in ay mudan yihiin maadaama ay layimaadeen hogaamin siyaasadeed oo guulo waawayn soo hoyisay shantii sano ee u danbaysay.

Jaaliyada DDSI ee North America ayaa ku amaantay hogaaminta waxqabadkii shantii sano ee lasoo dhaafay oo ah natiijada keentay kalsoonida shacabka iyo in marlabaad ay xukuumadani sii hogaamiso DDSI.

Waxaana aad uga hadlay xubnihii kala duwanaa ee xalayto isugu yimid shirkan bogaadinta iyo taageerada ah ee Jaaliyada DDSI ee North America oo kadhacay magaalada Minneapolis.

Halkan kadaawo xafladan balaadhan ee jaaliyada DDSI North Ameerica Riix halkan.