Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

R/Wasaare HaileMariam Desalegn Ayaa Barito Golaha Baarlamanka Fahfaahin Kabixin Doona Miisaaniyada Sanadka 2008.

Addis Ababa(CN) Isniin.July.06.2015, golaha wakiilada shacabka ayaa barito kawada hadlaya miisaaniyada sanadka cusub ee 2008 tirsiga dalka, waxaana fahfaahin ka bixin doonaa Raysal Wazaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn miisaaniyada sanadka 2008 T.I.

Raysal wasaare Hailemariam ayaa lafilayaa inuu fahfaahin kabixiyo 223 dhibic 3 bilyan Birr  oo ah miisaaniyada sanadka 2008 oo ay diyaarisay wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DFI taasoo toddobaadyo kahor loo bandhigay golaha baarlamanka.

Waxaana faahfaahin iyo jawaaba uu raysal wasaaruhu ka bixin doonaa suaalaha guriga baarlamaanku soo qaado haday tahay miisaaniyada iyo hadii ay yihiin kuwo kaleba.

Miisaaniyada sanadkan soo socda ee 2008 ee baarlamanka loo soo bandhigay toddobaadyo kahor ayaa dheeraanaysa ama kabadan miisaaniyadii hore ee sanadkan dabayaaqada ah (2007) oo ahayd 178.5 bilyan halka ay miisaaniyada 2008 noqonayso 223.3 bilyan taasoo dheer 45 bilyan oo Birr.

Golahaha baarlamaanka ayaa arimahaasi miisaaniyada iyo faahfaahintooda kadoodi doona kuwaas oo lafilayo in uu baarlamaanku ansixiyo maalinta bari ah.