Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Sanad Guurada 9aad Xuska Todobaadka Adeega Shacabka Oo Barito Si Balaadhan Looga Xusi Doona Guud Ahaan Dalka, Deegaanka Gaar Ahaan Caasimada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Isniin.July.06.2015 waxaa, maalita barito ah si wayn looga xusayaa dalkeena itoobiya, sanad guurada 9aad ee xuska todobaadka adeega shacabka oo ah mid heer qaran ah.

Wariyayaasha shabakada wararka ee CaraaNews oo la xidhiidhay masuuliyiinta xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda DDSI ayaa noo xaqiijiyay in maalinta barito ah si meeqaam sare ah loogu dabaal dagi doono munaasabada 9aad ee xuska todobaadka adeega shacabka oo ah mid heer qaran ah munaasabadaasi ayaa ka dhicidoonta barito hoolka shirarka ee Sayid MCX Jigjiga.

Sanad guuradan 9aad ee xuska maalinta adeega shacabka,  ayaa waxay ku soo beegantay wakhti guulo waawayn laga soo hooyay dhinacyada adeega shacabka iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha guud ahaanba dalkeena gaar ahaana DDSI.