Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan Oo Hanbalyo U Soo Diray XDSHSI Doorashada Madaxwaynaha DDSI 5ta Sano Iyo Dhismaha Hogaaminta Sare Ee Xukuumada DDSI.

Jigjiga(CN) Isniin.July.06.2015, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Soomaliland iyo Itoobiya, islamarkaana ah suldaan si wayn u daneeya, arimaha horumarka iyo nabadgalyada, ee guud ahaan umada Soomaliyeed gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaliland, ayaa shabakada wararka ee cakaaranews waxa uu soo gaadhsiiyay fariin hanbalyo iyo duco ah oo ku socoda  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee xisbiga dimuqoraadiga shacabka somalida itoobiya (XDSHSI) marlabaad u doortay in uu noqdo madaxwaynaha DDSI ee shanta sano ee soo socota, iyo waliba dhismaha hogaaminta sare ee xukuumada DDSI.

Suldaanku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan ” Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magacyada beelaha aan suldaanka u ahay, ee kala daga Itoobiya iyo Soomaliland waxaan ugu horayn hanbalyo u diyaraa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo mar 2aad XDSHSI u doortay in uu noqdo madaxwaynaha DDSI ee shanta sano ee so socda, waxaa hubaal ah in shantii sano ee uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar hogaaminayay shacabka deegaanka isaga iyo xukuumadiiso gaadhsiiyeen horumar xawliya iyo  xasilooni taam ah korna u qaadeen koboca dhaqaalaha deegaanka, xidhiidhka arimaha dibada iyo ka dadwaynahaba.

Waxaa, iska cad in xukuumada uu hogaaminayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar shantii sano ee hadda dhamaatay  ay si dhabka ugu guul gaadheen istaraatajiyadihii hiigsiga himilooyinka qorshayaashii cilmiyaysnaa ee ay dhigteen bilowgii shantaasi sano si buuxdana loo hirgaliyay waana taasi tan keentay in ay shacabka DDSI ugu hanwaynaadaan hogaaminta madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.”

Suldaanku waxa uu madaxwaynaha iyo hogaaminta sare ee DDSI ugu duceeyay in ay noqdaan hogaaminta gaadhsiisa shacabka deegaanka hiigsiga horumar waaro oo dhinac kasta leh. ILAHAYNA  u fududeeyo xilka hogaamineed ee shacabka.

Sidoo kale waxa uu suldaanku u soo hanbalyeeyay doorashada uu xisbigu doortay madaxwayne ku xigeenada DDSI iyo afhayeenka baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, isaga oo si mug lehna ugu soo hanbalyeeyay shacabka DDSI ee loo doortay marlabaad hogaaminta xukuumada shanta sano ee soo socota, wuxuuna ku booriyay shacabka DDSI,  in ay si meeqaam sare ah ula shaqeeyaan hogaaminta xukuumada DDSI  sidii ay horeba ula shaqayn jireen si loo sii xoojiyo hawlaha horumarka,nabadgalyada iyo maamulka suuban, ee sida xawliga ah uga taamyeelay  DDSI.