Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabada Sanad Guurada Xuska 9aad Ee todobaadka Adeega Shacabka Oo Si Meeqaam Sare Ah Looga Xusay Xarunta Deegaanka Ee jigjiga.

Jigjiga(CN) Talaado.July.07.2015, waxaa maanta si balaadhan looga xusay guud ahaan deegaanka munaasabada sanad guurada xuska 9aad ee tododaadka adeega shacabka oo ah munaasabad heer qaran ah.

Haddaba, munaasabadii loogu dabaaldagayay sanad guuradan 9aad ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX Jigjiga, waxaana ka oo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha capinetka oo ay ka mid tahay, wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, golaha wasiirada DDSI, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, hogaaminta sare ee degmooyinka gobolada iyo maamul magaalooyinka DDSI iyo waliba marti sharaf kale.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay kooxaha fanka iyo suugaanta ku madadaalinayeen heeso loogu talagalay munaasabadan, ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayanah DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,  wuxuuna, madaxwaynuhu si qoto dheer ugu hanbalyeeyay munaasabadan xuska 9aad ee todobaadka adeega shacabka dhamaan shaqaalaha dawlada deegaanka meel kasta oo ay joogaan iyo shacabka deegaankaba, wuxuuna, madaxwaynuhu si qoto dheer uga hadlay ahmiyada ay leedahay, xuska todobaadka adeega shacabka.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu ka hadlay in ay mud naan  gaar ah leeyihiin shaqaalah DDSI sidii meeqaam ka sare ah ee ay u soo qayb qaateen hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee ka ka hirgalay deegaanka shantii shano ee la soo dhaafay, wuxuuna madaxwaynuhu ka warbixiyay dadaalka culus ee ay xukuumadu ugu jirto ilaalinta xuquuqaha shaqaalaha, maadaamo oo ay shaqaaluhu yihiin cududa horumarineed ee hirgalinaysa qorshayaasha horumarineed yihiina shaqaalaha dawladu mishiinada ugu waawayn ee lagu hiigsanayo gaadhida horumar waara.

Dhankeeda wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo majida maxamed maxamuud  oo khudbad dheer ka soo jeedisay munaasanba ayaa ugu horayntii u mahad celisay dhamaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka soo qaybgalay munaasabadani  waxay sheegtay in xafiiska adega shacabku ku hawlan yahay soo saarida cudud shaqaale oo mug leh.

Marwo Maajida oo sii wada hadalkeeda ayaa waxay tidhi "sidaan la wada socono ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed, maamul suuban iyo nabadgalyada, waxaa lafdhabar u ah cududa shaqaalaha ee aynu leenahay, sobobtoo ah shaqaalaha adeega shacabku waa mishiinada hirgaliyay diyaarinta fulinta, dabagalka iyo ka midho dhalinta qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee lagu horumarinayo saboolnimadana lagaga saarayo bulshadeena, sidaasi darteed dalkeena itoobiya isaga oo ka duulaya sharafta iyo qiimaha ay leedahay u adeegsiga shacabku ayaa 16 ilaa 30  bisha sane loo aqoon saday in ay noqoto xuska todobaadka adeega shacabka.

Waxayna wasiir maajida ku boorisay dhamaan shaqaalaha deegaanku in ay noqdaan kuwo ku sifooba dareen wadaninimo isxilqaan, cad cadaan, xilkasnimo iyo hawlgalnimo, in ay noqdaan shaqaala leh aragti horumarineed, dimuqoraadiyadeed,aragti nabadgalyo kana madax banaan aragtida cidhiidhiga ah ee nabadiidnimada dusaarnimada iyo wixii la mid ah in ay shaqaaluhu mud naan gaar ah siiyaan daryeelka horumarinta arimaha haweenka kaalin mug lehna ka qaataan ladagaalanka cadawga koowaad ee saboolnimada.

Ugu danbayntii waxaa madashaasi abaalmarino lagu gudoonsiiyay shaqaalahii muujiyay dadaalka dheeriiga ah dhinaca shaqada.