Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo warshadaha oo Sheegay in Ay Jiraan Fursado Shaqo Loogu Abuurayo Dhalinta Ka Soo Qalin jabisa Kuliyadaha iyo jaamacadaha Dalka.

Jigjiga(CN) Jimce July-10-2015.Waxaynu osoonahay in ay xukuumada maanta ka arimisa deegaanka soomaaliada itoobiya in ay u abuurtay dhalinyarada ka soo qalinjabisa sanad kasta jaamacadaha iyo kuliyadaha farsamada iyo xirfadaha Fursado loogu abuurayo shaqo abuur ka sakow aqoonyahanka lagu kala meeleeyo heerarka qaabdhismeedyada dawlada.

hadaba Sida lawada ogsoon yahay waxaa deegaankena si ballaadhan uga socodey barnaamijka laydh galinta qabaleeyada deegaanka kaas oo ay ka qayb qaadanayen shirkadaha yar yar ee loo sameeyay  dhalinyarta  deegaanka u dhalatey ee kasoo baxay kuliyadaha xirfada iyo farsamada iyo jaamacada Kala duwan ee dalka kuwaasoo natiijooyin fiican laga keenay islamarkaana kobaca dhaqaale iyo la dagaalanka saboolnimada kaalin fiican ka galay. 

Hadaba madama qorshaha  GTP2 laguda galayo qabaleeyo ama tuulooyin badana ay u qorshaysan yihiin Si looga midho dhaliyo qorshayaasha kobaca dhaqaale ee GTP2 ayaa waxaa uu xafiiska horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha DDSI ugu baaqaya dhalinyarada deegaanka ee kasoo baxay kuliyadaha iyo jaamacadaha deegaanka iyo dalkaba ee haysta Shahaadooyinka takhasusyada xirfadaha Electrical Engineering, civil engineering, electricity technicians, construction,  surveyors I.w.m inay iska soo diwaan galiyaan xafiiska horumarinta magaloyinka, dhismaha iyo warshadaha dabaqa afraad laga bilaabo maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 1/11/2007 si ay uga qayb qaatan hirgalinta barnaamijka laydhgalinta ee loo yaqaano Universal Electrification Access Program.