Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Ay Wahelinayeen Masuuliyiin Sare Ayaa Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta Jigjiga

Jigjiga(CN) Sabti.July.11.2015 madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wahelinayaan masuuliyiin sare oo uu kamid yahay afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa maanta yimid xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga.

Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta wahelinaysay ayaa maalmahan hawlo shaqo ugu sugnaa xarunta dalka ee caasimada Addis Ababa oo ay kaqayb galeen shirkii madaxtooyada Qaranka ee lagu sagootinayay xubnihii goleyowga baarlamanka dalka Iyo shirkii shalay ee Meles Zinawi Foundation ee kadhacay xarunta shirarka Midowga Afrika.

Waxuuna Madaxwaynuhu intii uu Addis Abab kusugnaa hawlo shaqo kala yeeshay laamaha qaran ee ay khuseeyeen maadaama lagalayo Wareegii Labaad ee qorshaha isbadalka iyo Koboca dhaqaalaha Dalka.