Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 11aad Ee Golaha Baarlamanka DDSI Oo Galabta Si Rasmi Ah Uga Furmay Madasha Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Isniin.July.13.2015, kalfadhigii 11 aad ee golaha xildhibaanada DDSI ayaa galabta si rasmi ah madasha shirarka ee Qaryaan Dhoodaan uga furmay.

Kalafadhigan 11aad oo uu furay afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq lagu bilabaay ayaadaha quraanka kariim  ayuu golaha baarlamanku kaga hadli doonaa islamarkaana ku ansixin doonaa qodobo dhowr ah oo ay kamid tahay warbixinta waxqabadkii xukuumada iyo qodobo kale kuwaas oo fadhigan 11aad lagu ansixin doono. Wuxuuna afhayeenku soo bandhigay ajendayaashii kal fahigan 11aad.

Ma uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar kahadlay furitaankii ayuu sheegay in baarlamankii shantan sano ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin xushmad gaar ah, wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay xubnahan hore ee baarlamnaku yihiin kuwii ansixiyay horumarka lagaadhay.

Kal-fadhigan 11aad ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee golaha 4aad ee xildhibaanada baarlamanka DDSI. Sidoo kale waxaa xubnaha baarlamankii hore lagu sagootin doonaa si qadarin iyo xushmad leh taasoo ay xukuumadu ku gudoonsiin doonto shahaado sharaf islamarkaana lasiin doono xaquuqa hoodii.

Kala soco CakaaraNews kalfadhiga 11aad ee golaha xildhibaanada deegaanka iyo faahfaahinta kusaabsan wararkayaga xiga.