Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Balaadhan Oo Lagu Sagootin Doono Xildhibaanadii Shantii Sano Ee Hore Oo Barito Lagu Qabanayo Madasha Shirarka Ee Sayyid MCX.

Jigjiga(CN) Isniin.July.13.2015, Baarlamaankii hore ee deegaanka ayaa xaflad balaadhan oo lagu sagootin doono lagu qabanayaa maalinta bari ah madasha shirarka ee Sayyid MCX.

Baarlamankii hore oo uu maanta kalfadhigoodii 11aad ee ugu danbeeyay kafurmay hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan ayaa sidoo kale waxaa barito loo qabanayaa xaflad lagu sagootinayo xubnihii baarlamanka ee uu xilkooda baarlamaan ku egyahay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xubnahan baarlamankii hore oo gaadhaya ugu yaraan 110 xubnood ayaa isugu jira xubno lasoo doortay ilaa 4 gole oo isku xiga (20 sano),  3 gole oo ah 15 sano, 2 wakhti oo ah 10 sano, iyo xildhibaano halkii gole ee u danbeeyay soo qabtay oo ah 5 sano.

Dhanka kale waxaa layaab noqotay in ay jiraan xildhibaano kasoo qayb qaatay maalintii labilaabay baarlamankii ugu horeeyay ee 1987 tirsiga dalka ilaa maanta oo ah xildhibaanadii soo baxay 2007 tirsiga dalka.

Xubnaha xildhibaanada lasagootinayo ayaa barito loo qabanayaa xaflad balaadhan oo lagu qaban doono hoolka shirarka ee SMCX, waxaana sidaan horey u sheegnayba lagu doonsiin doonaa shahaado sharaf iyo abaalmarino kala duwan.