Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirwaynihii Caalami Ee Maalgalinta Horunarineed Ee Addis Ababa Oo Maanta Lasoo Gababa Gabaynayo.

Addis Ababa(CN) Khamiis.July.16.2015, Shirwaynihii caalami ee maalgalinta horumarneed ee kasocday xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta lasoo gabagabaynayaa.

Shirwaynahan maalgalinta oo ahaa kii 3aad ayaa  muda 3 cisho ah u socday madaxda wadamada iyo haayadaha caalamka, kaasoo looga hadlay arimo badan oo laxidhiidha sidii loo hirgalin lahaa qorshayaasha yoolasha horumar waara ee 15 ka sano ee soo socda, iyo maalgalinta ku haboon ee qorshayaasha horumarineed.

Itoobiya ayaa guulo kudayasho mudan kasoo hoyisay yoolashii horumar ee qarniga (MDG) kaasoo kakobnaa 8 qodob oo caalami ah islamarkaana ku ekaa sanadkan oo ah dhamaadkii qorshihii jimciyada quruumaha kadhaxaysa (UN) ee MDG-ga.

Waxaana lafilayaa shirka maanta kadib markii ladhagaystay qorshayaasha wadamada si fiicana looga dooday in sidoo kale maanta ay wadamada iyo haayadaha caalami dajiyaan habka iyo hanaanka ku haboon ee loo target garaysanayo kamidho dhalinta yoolasha xiga ee qorsha horumar waara.