Madaxwaynaha DDSI Oo Farxada Ciidul Fitriga Tahniyad Hanbalyo U Diray Muslimiinta Caalamka, Gaar Ahaan Muslimiinta Itoobiya

Jigjiga(CN) Khamiis.July.16.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada farxada ciidul Fidriga hanbalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya.

Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan, isagoo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo dhamaan khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka, dambi dhaaf, naxariis, iyo isjacayl in Rabbi kala kulmiyo uga baryay.

Madaxwaynaha ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in farxada lawadaago oo walaalaha muslimiinta ah ee danyarta iyo masaakiinta ah lacaawiyo farxadana lala wadaago. Sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu uu faray walaalaha muslimiintu in ay kawar qabaan lana wadaagaan farxada walaalaha dariska ah, masaakiinta iyo kuwa jilicsan.

Hanbalyada farxada ciida ee madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo beegantay xili maanta ay golaha 5aad ee baarlamanka DDSI kalfadhigoodii koobaad si rasmi ah u ansixiyeen looguna caleemo saaray madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumada shanta sano ee soo socota.