Khalqigii ugu Badnaa oo Isugu soo Baxay Salaada Ciidul-Fidriga iyo Madaxwaynaha DDSI oo Cafis u Fidiyay Maxaabiista Xidhan.

Jigjiga(CN) Jimce July17-2015. Guud ahaan Dalka iyo Deegaanka soomaalida itoobiya ayaa maanta si wayn looga ciiday iyadoona aad loo sii qurxiyay Wadooyinka,Goobaha loogu talogalay salaada Ciidul-fidriga sidoo kalana lagu qurxiyay wadooyinka laydhadh kala jaad jaad ah iyo boodhadh ay ku xardhanaayeen farxada iyo Qiimaha balaadhan ee ay maalintani u leedahay Saaimiintii ajiibtay waajibaadkii soonka. Magaalada jigjiga ayaa xalay markay goorsheegtu ahayd abaarihii 8dii fiidnimo dhamaan masaajidada laga maqlayay Takbiirta halka ay magaalada iyo suuqyada dharka ay raxan raxan isu dabamarayeen Caruur iyo waalidiintood oo ninba taagtii wuxuu awoodo uu ciyaalkiisa kaga farxinayay Aradbaxa farxada Ciida.

Goobta Aalaaba u cayiman tukhada salaadaha ciida ee magaalada jigjiga oo iidii kal hore uu daxwaynaha DDSI mudane CMC ku wareejiyay Dhulkaas Golaha Arimaha islaamka Deegaanka ayaa ay aad u soo buuxdhaafiyeen dhamaanba qaybaha bulshada jigjiga ka kooban tahay kana mid ahaayeen haween,dhalinyaro,caruur,Culumaaudiin,Rag iyo Madaxda ugu saraysa Xukuumada DDSI iyo Xisbiga talada Deegaanka haya oo ka qaybgalkoodu ka duwanaa Salaadihii ciida ee hore.

Hogaaminta sare ee xukuumada iyo Xisbiga ayaa si aan looga baran masuuliyiintii hore soo kaamil yeelay safka hore ee Salaada maadaama ay kuwii ka horeeyay marka laga reebo madaxwaynaha,afhayeenka iyo masuuliyiin fara ku tiris ahaa.

Gudoomiyaha Golaha sare ee islaamka DDSI sheikh  cabdirahmaan oo ka hadlay munaasabada salaada ciida ayaa si wayn uga hadlay Sadaqada oo la siiyo kay ku haboon tahay la isuna naxariisto oo sida look ala dhaqaale roon yahay la isugu gargaaro dariskana laga warhayo hayntooda. Sheekha ayaa ka hadlay in guud ahaan muslimiinta Dalka gaar ahaana Bulshada iyo culumada DDSI looga baahan yahay in laga digtoonaado kuwa shaadhka diimeed ku gabanaya islamarkaana Geesiyada ciidanka gaarka ah u duceeyay uguna baaqay shacabka in guulaha geesinimada sugida amniga ay dhiigooda ku daadiyeen LP loogu duceeyo laguna garab istaago. Sheekh Craxmaan ayaa muujiyay sida ay culumadu ugu faraxday hogaaminta 5ta sano ee soo socota ee ay xisbiga iyo baarlamaankuba mar labaad u doorteen Madaxwaynaha DDSI mudane CM afhayeenkana mudane maxamed rashiid isaaq isagoona xukuumada,xisbiga iyo guud ahaan Xildhibaanada u duceeyay

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo khudbad loo wada riyaaqay ka soo jeediyay ayaa ka hadlay ahmiyada balaadhan ee ay Nabadgalgalyadu u leedahay Nolosha iyo kobaca dhaqan dhaqaale ee bulshada islamarkaana sheegay in aan marna la ilaawi karin nafhuristii ay Ciidamada Qaranku u soo sameeyeen Shacabwaynaha DDSI si loo gaadhiiyo kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Baaxada Horumarka aasaasiga u ah nolosha bulshada sidoo kalana geesinimadii ay dhiigooda ugu hibeeyeen badbaadinta iyo sugida amaanka Ciidamada Geesiyada LP.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale Sidii caadada u ahayd sheegay in la sii daynayo Maxaabiista danbiyada ugu xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada jigjiga kana codsaday in aamiin loo dhaho in maxbuuskii la sii daayo ee dib u khiyaama xasiloonida Shacabka,xadgudubka dastuurka in ilaahay soo qabto islamarkaana ay dhamaanba dadkii tukanayay ay Sacab ku aqbaleen iyagoona dhanka kale ay codad dhaadheer Aamiin aamiin u yidhaahdeen odhaahdii madaxwaynaha.

Dhanka kale madaxwaynaha DDSI mudane CMC oo ka hadlay Sadaqada la siiyo kay ku haboon tahay ayaa ku tilmaamay kuwa shaadhka diimeed xidhan in ay yihiin siyaasiyiin Idiology huwan diinta islaamkuna tahay diin nabadeed ee aynan ahayn diin colaadeed,argagaxisanimo islamarkaana aan kala fogayn diimaha kale oo wado haboon iyo sunihii nabigeenii suubanaa NNKH kula dhaqantaa.

Ugu danbayntii ayaa uu madaxwaynuhu Duco aamiin loo wada yidhi alle kaga baryay in shacabka DDSI awooda alle ugaga dulqaado saboolnimada iyo gaajada wax alaale oo cadaw ku ahna ka qabto madaxwaynaha ayaa manta ay wajigigiisa ka muuqatay farxad iyoi naxariis isagoona Culumaaudiinka,hogaaminta dhaqanka capinetka iyo shacaba ay ka wada quraacdeen guriga madaxwaynaha farxad iyo gacanqaad maqsuud ka dhigtayna la isugu hambalyeeyay ciidul fidriga.