Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kalfadhigii 1aad ee Golaha Baarlamaanka 5aad oo galay maalintii 2aad laguna ansaxiyay Hantidhawrka Guud iyo Afhayeen ku xigeenka.

Jigjiga(CN) Axad July-19-2015. Maanta oo ahayd maalintii 2aad ee ay baarlamaanka cusub ee deegaanku isugu yimaadaan kalfadhigoodii 1aad ayaa waxaa manta uu goluhu cod buuxa ku ansaxiyay Hantidhawrka Guud ee DDSI oo loo doortay Mudane Kuusow Aadan islamarkaana Gudoomiyaha maxkamada DDSI uu isla golaha gudihiisa ku dhaariyay.

Dhanka kale waxaa markii 1aad taariikhda abid loo magacaabay gabadh Afhayeen kuxigeenka baarlamaanka DDSI taasi oo galaha baarlamaanku codbuuxa ku ansaxiyay in ay noqoto marwo fardawsa maxamed afhayeen ku xigeenka golaah baarlamaanka DDSI, kalkaasi oo uu gudoomiyaha maxkamada guud ku hordhaariyay golaha baarlamaanka.

Kalfadhigan oo wali ka sii socda hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan wixii ka soo kordha wararka xiga ayaan idiinku soo tabin doonaa.