Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan-waynaha wada-tashiga shacabka iyo xukuumada ee lagu Gorfaynayo Qorshaha Koboca dhaqaalaha iyo isbadalka 2aad GTP2ga oo maanta ka furmay Xarunta Deegaanka ee MJJ.

Jigjiga(CN) Isniin July-20-2015. Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kulan-wayne lagu qorfaynayo qorshaha koboca isbadalka dhaqaalaha doorka 2aad(GTP2) iyo waxqabadkii qorshahii isbadalka dhaqaalaha doorkiisii 1aad(Gtp1) , waxaana laga doodsiin doonaa looguna dhiirigalin lahaa sidii bulsha waynta degaanka ara'a dooda ay uga dhibtaan hirgalintiisa loona dareensiin lahaa bulshada in hirgalintiisa sidii ay doorkooda ku aadan si firfircoon oo lahaansho leh uga qaadan lahaayeen islamarkaana fikirkooda hirgalinta qorshaha GTP2 uga dhiiban lahaayeen.

Waxaana ka soo qayb galay Wadatashiga hirgalinta iyo afkaaraha bulshada ee GTP2 Madax sarsare oo oo Heer Federal iyo DDSI ah iyadoona waftiga heer federal uu hogaaminayay wasiirka wasaarada arimaha federalka Dr sheferew Tegle mariam kuna wehelinayeen iyo wasiirku xigeenka wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI mudane Ahmed Shide iyo Ato mulgeta.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed rashiid Isaq.

Sidoo kale Kulankan wadatashiga Qorshaha GTP2 oo ay qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI,Heer federal iyo xukuumada si wada jir ah ugu soo qaybgaleen ayaa lafa gurayaa hirgalinta iyo meel-marinta jihooyinka qorsha koboca dhaqaala iyo isbadalka 2aad ee GTP2ga ayaa waxaa furitaankiisii si qoto dheer uga hadlay madaxwayna DDSI mudane cabdi maxamuud cumar.

Madaxwaynaha ayaa ugu horayntii madaxwaynaha u mahad naqay masuuliyiinta heer fadareel iyo qaybaha kala duwan ee ka soo qaybgashay kulan waynaha wada tashiga, wuxuuna madaxwaynuhu si durugsan ugu mahad celiyay wasaaradaha faderaalka itoobiya iyo guud ahaanba JDFI sidii meeqaamka sare lahayd ee ay ugala qayb qaataday xukuumada DDSI hirgalinta qorshihii GTP1kii aan soo dhaafnay.

Madaxwayne cabdi maxamuud cumar waxa uu si balaadhan uga warbixiyay sidii loo hirgaliyay qorshihii hore ee GTP1 ee shantii sano ee la soo dhaafay, isaga oo isbar bardhig guud halkii shantii sanno ka hor laga soo qaaday adeegyada aas aasiga ah ee horumarka iyo heerka ay maanta gaatan yihiin taasi oo uu madax waynuhu mar uu tusaale u soo qaatay dhinaca waxbarashada halkii ay taagnay 5 sano ka hore oo ay guud ahaanba deegaanka ka jireen 37 dugsi sare maantana ay ka jiraan 144 dugsi sare taasina ad dareemayso heerka isbadalka kor u qaadida adeegyada aas aasiga ah.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyay dhamaanba guulihii laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada horumaarka maamulka suuban gaar ahaana adeegyada aas asiga ah ee horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, jidadka isgaadhsiinta dib u dajinta korna siwayn loogu qaaday koboca dhaqaalaha waxaana uu madaxwaynuhu mar uu ka hadlayay dhinaca isku socodka uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay lagu gulaystay in gobolo badan iyo degmooyin badan oo wakhtiyadii hore kala xidhnaa hada laysku furay tusaale ahaan degmooyinka gobolka nogob oo markii hore kala xidhnaa hada markii la sameeyay boondooyin badan si dhib yar laskaga goosho.

Sidoo kale Wuxuuna madax waynuhu ka warbixiyay qorshaha isbadalka dhaqaalaha shanta sano ee soo socda GTP2 iyo waxyaabaha diirada la saaray. Dhanka kale waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay kulankaasi wasiirka arimaha faderaalka Dr sheferew oo ugu horayntii u mahad naqay shacabka iyo xukuumada DDSI sida baaxada leh ee ay uga qaybqaataan hirgalinta horumarka deg dega ah, Wuxuuna dr-ku si qoto dheer uga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee uu dalkeenu soo maray iyo halka aan maanta taaganahay iyo halka aan u socono , isaga oo doctorku tilmaamay in wadankeena itoobiya hada uu soo galay wadanka 3aad aduunka ee uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u korayo xawaare horumarineed oo aad u dheeraynayana aan ku socono.

Wuxuuna sheegay Madaxwaynuhu in deegaanka soomalida itoobiya uu shantii sano ee ugu danbaysay uu ku dhaqaaqay xawaare horumarineed oo aad u dheeraynaya oo loo baahan yahay in ay deegaanada kale kaga daydaan.

Kulankan oo wali socda socon doonana mudo toban cisho ah ayaanu wixii ka soo kordha waxaad kala socon kartaan shabakada warbaahinta cakaaranews