Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada DDSI oo Si Guud uga Warbixiyay Waxqabadkii GTP1 iyo Diyaargarawga Hirgalinta GTP2.

Jigjiga(CN) Talaado July-22-2015. Wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane cabdi geedi Aadan oo ugu waramay xafiiskiisa warbaahinta deegaanka, ayaa ka warbixiyay waxqabadkii xafiiska ee bilihii ugu danbeeyay ee sanadmiisaaniyadeedkii sanadkii tegay eek u beegnayd dhamaadkii Qorshihii kobaca dhaqaale GTP1 ee 5tiisano ee la soo dhaafaysidoo kalena ifiyay meelaha uu xafiisku diirada hawlaha shaqo ee uu xafiiska waxbarashada DDSI diirada saarayo qorshaha.isbedelka kobaca dhaqaale ee GTP2.

Wasiirku-xigeenku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyay habkii fulineed ee waxqabadkii bilihii ugu danbeeyay ee xafiiska kuwaasoo si dhab ah looga guul gaadhay taasoo kor loo qaaday tayada baris barashoiyo tirada ka qaybgalka waxbarashada kuwaasi oo si buuxada loogu guulaystay fulinta qorshayaashii u yaalay xafiiska ee bilihii ugu danbeeyay.

Wasiir ku xigeenku waxa uu tilmaamay in sanadkan aan soo dhaafnay kor loo qaaday tayada iyo tirada waxbarashada oo ay sanadkan u dhafiisteen imtixaanaadkii shahaadiga ee heer qaran fasalada 8aadka arday dhan 26,440 tirada ardayda u fadhiisatay imtixaanka 10aad waxa ay dhan tahay 15,902 halka tirada ardayda u fadhiisatay fasalada 12aadkuna dhan tahay 8,942 taasi oo muujinaysa xawliga ay ku socoto kor u qaadida tayada iyo tirada waxbarashada. Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenku si qoto dheer uga warbixiyay in guud ahaanba deegaanka kor loo qaaday nidaamka barisbarasho iyada oo la xoojiyay awooda tayada barayaasha deegaanka.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in uu hadda xafiisku ku jiro u diyaar garowgii bilowga waxbarashada dugsiyada deegaanka ee sanadka 2008TI iyada oo qorshaha GTP2ga la dajiyay qorshayaal lagu karaar galinayo istaraatajiyadaha lagu hirgalinayo waxbarasho dhamays tiro taasi oo ay qorshaysan tahay in guud ahaanba deegaanka laga tir tiro jahliga oo ay bulshada xoolo dhaqadada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayduna noqdaan kuwa dhamaantood wax qora akhriyana