Jaaliyada Degmada Feerfeer ee DDSI ee North America oo Hambalyo iyo Taageero U Soo Diray XDSHSI iyo Hogaaminta 5ta Sano ee La Doortay

MN(CN) Jimce July-25-2015.Wariyaha shabakada cakaaranews u jooga North America ayaa ka soo waramay munaasabad balaadhan oo ay Qurbajoogta ka soo jeeda Degmada FeerFeer ee Gobolka Shabeele Kuna Dhaqan North America si heersare ah usoo abaabuleen ayaa lagu taageeray Sidii Qiimaha badnayd ee shacabka DDSI dal iyo dibadba u siiyeen Codkoodii Doorashadii XDSHSI islamarkaana Kalsooni buuxda loogu doortay Hogaaminta Xisbiga ee 5ta sano ee soo socota Hormuudna u Yihiin Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumaar iyo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Hadaba Waxgaradka iyo Qurbajoogta Degmada Feer-feer iyo Hogaaminta Jaaliyada DDSI ee North America ayaa shir jaraaid oo ay qabteen ku sheegeen Taageerada iyo hambalyada ay u dirayaan Sidii Doorashada uu ugu guulaystay XDSHSI iyo Iskuduubnidii xilkasnimo ee Golaha baarlamaanku ku doortay Hogaaminta shanta sano hogaamin lahayd Deegaanka. Warsaxaafadeedka jaaliyada Degmada Feerfeer ee North America ayaa sidan u qornaa “Waxaanu hambalyo U Diraynaa Guusha uu xisbiga XDSHSI ka gaadhay Doorashadii Deegaanka Jaaliyada Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia Ee North America Ayaa Shir Jara iid oo aay wada qabten Ku Taageeray Go aamadi Xisbiga XDSHSI uu Mar Labad Hogaaminta xisbiga ugu doortay Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Mohamed Rashiid Isaaq iyo Madaxweyne Abdi Mohamud Omar Oo Uu xisbiga Mar kale u doortay Madaxweynaha Ddsi Ee Shanta Sano soo socota “.

Mudane Mudane Ali Dheere Oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Reer feerfeer Ayaa ku nuux nux saday Waxqabadka Xisbiga Iyo kartida madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu mudo gaaban deegaanka si xilkasnimo,Daacadnimo iyo sinaan uu si siman 9ka Gobol iyo 68da Degmo uga taabo galiyay horumar la taaban karo mudana mar labaad,sedexaad iyo abid loo doorto madaxwaynaha DDSI Waxaanuna balan qadaynaa In aanu La shaqeyn doono Xukumada cusub iyo XDSHSI.Dhanka kale Afhayeenka Jaaliyada Reer feerfeer Mudane Saxardiid Ayaa sheegay in Guud Ahan Dadka Daga Dagmada Feerfeer Aay Mar walba Garab Taagan yihin Dowladoda