Deg Deg: Dagaal Lagu Qaaday Al-qushaash oo 13 Gacanta lagu Dhigay 28 ka mida Indhaha loo shiday Lagana Qabtay Saanad iyo 4 Baabuurta Dagaalka iyo Fadhinkii ugu Waynaa 20-jiroow oo Gacanta Lagu Dhigay.

Jiida-Hore(CN) Jimce July 25-201`5.Waxaynu wada ogsoonahay in todobaadyadii ugu danbaysay in ciidamada Amisom Gaar ahaan ciidamada Itoobiya iyo ciidanka soomaaliya in ay weeraro lixaad leh ku qaadeen fadhiisimadii ugu waawaynaa ee ay Al-qushaash ku lahayd Gobolada Bay iyo Bakool Soomaaliya laguna ekeeyay weeraro Dhanka Cirka iyo lugta ah iyadoona Ciidamada Amisom Itoobiya iyo ciidanka Soomaaliyana a ay kala wareegeen Alqushaash gacan ku haynta Diinsoor qasaaro ba’ana loo gaystay.

Dhanka kale iyadoo weerarada Amison iyo Ciidanka federalka soomaaliya uu ku sii fidayo dhamanba fadhiisimadii alqushaash goobo badana laga saaray Alqushaash ayaa Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Liyuupolice oo iskaashanaya ay ka war heleen in maleeshiyaadka Firxadka Alqushaash ay isku aruursanayaan Deegaano ay ka mid yihiin Aato, lagalaay,Shimbiraale, Garaswayn iyo 20-jiroow oo in kabadan 100km u jirta xuduudda Itoobiya.

Saraakiishii ciidamada qaranka iyo LP ayaayday in Argagaxisada alqushaash ay xadka itoobiya intaa u soo jirsadaan tashi ka dibna dagaal cilmiyasan ay ku qaadeen., Hadaba mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Korneel nusdariiq oo jiida hore ee dagaalka ku jira ayaa uu noo sheegay in ka dib markii xogta laga helay in ay Alqushaash firxadkoodii isku aruursanayaan Deegaano ay ka mid yihiin Aato,lagalaay,Shimbiraale,garaswayn iyo 20jiroow oo ilaa 100 km xuduuda itoobiya u jirta ay dhaawacoodii iyo maleeshiyadoodiiba isku soo aruursadeen deegaanadaas oo xadka itoobiya u jira waxaan ka badnayn 100km ayaa ay Ciidamada Qaranka iyo Ciidanka Geesiyada LP ay si cilmiyaysan oo tabo ciidan sare leh tashi ka dib startegiyado ciidan oo aad looga baaraan degay ay ku qaadeen Dagaal ay Alqushaash faraha kaga gubatay.

Dhanka kale Colonel Nusdariiq oo ka waramaya khasaaraha la gaadhsiiyay Alqushaash ayaa sheegay in dagaalkii lagu qaaday Alqushaash Guulo aan inaba caadi ahayn ay Ciidanka qaranka iyo Geesiyada Liyuupolice ka soo hooyeen islamarkaana Alqushaash lagala wareegay fadhiisimahoodii ugu waawaynaa ee ay aagaas ku lahaayeen sida Fadhiisinimadoodii 20-Jiroow,Jiiroow iyo Jiidle iyadoona ay ciidamadu gacanta ku dhigeen 13 ka mida Maleeshiyaadkii Alqushaash halka 28 indhaha loo shiday.

Sidoo kale nusdariiq ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Hub iyo Saanad ay ka mid yihiin 4 baabuur waawayn oo ah kuwa ciidanka,40 qori oo isugu jira waawayn iyo yaryar,Raashin farabadan iyo Rasaas aad u tiro badan.

Maxaabiista Al-Qushaash ee gacanta lagu Dhigay Bal Cidii garata.

1. Maxamed ibraahin xasan Raxanwayn-gedeble.

2. Cali Nuur yare raxanwayn-Jidible

3. Diiriye Xasan Macalin Raxanwayn-Jidible

4. Cabdi C/laahi Baroon Raxanwayn-Jidible

5. Maxamed Maxamud Macalin Raxanwayn-Reer Qoomaal 6. Ibraahin Bare cabdi Raxanwayn-Gedeble

7. Cabdi xasan aadan Raxanwayn-Jidible

8. Bukuroow Xasan Aadan Raxanwayn-Jidible

9. Maxamed aadan Dhimbil Raxanwayn-Hadamo

10. Maxamed Maxamuud Raxanwayn-Hareed Dhimbil

11. Ckariin Xuseen aadan Raxanwayn-Lisaan

12. C/laahi Macalin Maxamed C/raxmaan Raxanwayn-Hadamo

13. Xuseen C/raxmaan xasan Raxanwayn-Gedeble.

Wixii xogo dheeri ah ee naga soo gaadha jiida hore ee Dagaalka sifaynta iyo dabarjarka Argagaxisada Alqushaash lagu qaaday dib kala socda.