Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Soo gabagaboobay Guud ahaan Shirwaynihii Lagaga Wada Arinsanayay Fulinta Qorshaha isbedelka kobaca Dhaqaale(GTP2) oo Socday 5 maalmood.

Jigjiga(CN) Jimce July 25-201`5.Waxaa la soo gababeeyay kulankii ugu danbeeyay ee falanqaynta iyo iswaydaarsiga afkaaraha ku aadanaa qaabka ku haboon hirgalinta isbedelka kobaca dhaqaale GTP2(Growth Transformation Plan) ee DDSI 5ta sano ee soo socota loo qoondeeyay in laga hirgaliyo. Sidoo kale waxaa laga warbixiyay sidii uu deegaanka uga dhaqangalay Wajigii 1aad ee Qorshaha GTP1 si dheelitirana looga dooday sidii uu hirgalay iyo midho dhalkiisiiba iyadoo aad loo lafa guray doorkii bulshada iyo xafiisyada waawayn ee horumarka deegaanku ka qaateen.

Dhanka kale Shirwaynahan hirgalinta wajiga 2aad ee qorshaha isbedelka kobaca dhaqaale GTP2 ayaa ahmiyadiisa ugu wayni tahay ka qaybgalinta qaybaha bulshadu ka kooban tahay sida Culumaaudiinka,haweenka,Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo ururada bulshada taasoo damaanad u ah Qorshe kasta iyo daraasaad kasta oo Dawladu fulinayso in si waadix ah (transparency) ay bulshada u soo hordhigto si ay fikirkooda uga dhiibtaan maadaama Shacabku yihiin kuwa sida dhabta uga jawaabi kara baahiyaha aasaasiga ah ee Qorshahani isbedelka kobaca dhaqaale GTP2 ku wajahan yahay ee lagu dhimayo saboolnimada iyo gaajada.

Hadaba iyadoo hore loo soo gabagabeeyay kulanadii falanqaynta iyo iswaydaarsiga afkaaraha qaybaha bulshada si loo dhaqangaliyo wajiga 2aad ee Qorshaha GTP2 ayaa la soo gabagabeeyay kulankii ugu danbeeyay ee aqoonyahanka Deegaanka loogu soo bandhigay warbixinta uu ku salaysan yahay wajiga labaad ee GTP2.

Kulankan aqoonyahanka ayaa waxaa shalay furay madaxwaynaha ddsi mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo bogaadiyay sidii Guud ahaan qaybaha bulshada deegaanku mudadii uu socday shirkani gaar ahaan aqoonyhanka DDSI ayaa uu madaxwaynuhu ku booriyay in ay ku xisaabtamaan in ay yihiin gashiga ugu wayn ama Cududa shaqaale ee Deegaanku ku faanayo loogana baahan yahay in guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii uga soo dhalaali lahaayeen in xadi ka badan sidii loo hirgaliyay GTP1 looga dhaqangaliyo wajiga 2aad ee qorshaha isbedelka kobaca dhaqaale ee GTP2 si loo dhimo saboolnimada iyo gaajada shacabka haysata si mustaqbalka dhaw loo gaadho isku filnaansho.

Wasiirka Arimaha Federalka dr Shifaraw Teklemariam oo maalmahanba casharo,talooyin iyo warbixino ka soo jeedinayay intii uu socday Kulanwaynaha wadatashiga Xukuumada,DFI iyo Qaybaha bulshada ee ka socday jigjiga ayaa faham buuxda ka siiyay sida dawlada federalka ay uga go'antahay sidii deegaanka soomaalida kor loogu soo qaadi lahaa kaabayaasha Dhaqaale iyo mashaariicaha horumarineed si Bulshada xoolodhaqatada ah loogu bedelo xoolodhaqato beeralay dawladu u abuurto nolol degan oo adeegyada aasaasiga ah oo dhan loogu hirgaliyo islamarkaana loo abuuro fursado ay ku kobciyaan dhaqaalahooda iyo noloshooda sida barnaamijyada ka faaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka.