Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wufuud Balaadhan oo Ka Socotay Dalka Itoobiya Kana Mid ahaa Ku-Simaha wasiirka Caafimaadka DDSI oo Shirar iyo Kulamo Aqoon Iswaydaarsi Ah u Tagay Dalka Ugaandha.

 

 Kampala(CN) Sabti July-26-2015 Wafti balaadhan oo ka socday xafiisyada caafimaadka ee deegada dalka iyo wasiirada heer faderaal ayaa booqasho aqoon si waydaarsiga u tagay wadanka Uganda , waxaana waftigaasi ka mid ahaa ku simaha wasiirka xafiiska caafimaadka ahna ku xigeenka xafiiska mudane cabdifaax siciid.

 

Haddaba ku simaha wasiirka caafimaada DDSI ayaa la soo xidhiidhya shabakada wararka ee cakaarnews, wuxuuna, warbixin dheeli tiran ka siiyay  ujeedada socdaalkaasi wuxuuna,  sheegay JDFI iyo dawlad deegaanada dalka oo ka duulaya sii xoojinta  kor u qaadida  xaqiijinta tayad adeegyada caafimaadka gaar gaar ahaan hirgalinta barnaajidka naqadada   (nutrition) oo ah barnaamij horumarineed , si loo tir tiro loogana hortago, cudurada ay keento nafaqa darnada dhalaanka iyo hooyada ayaa aqoon iswaydaarsi waftigan loogu diray wadanka Uganda oo ah wadamada hore ugu guulaystay ka hortaga dhibaadada nafaqo la’aanta caruurta iyo hoyada,

 Isaga oo ku simaha wasiirka caafimaadku ka waramaya arimahaasi ayaa waxa uu shegay in  JDFI   iyo deegaanada dalku u direen khuburo ku xeel dheer dhinaca caafimaadka wadamada dibadiisa gaar ahaan wadanka ugandh si ay kulamo aqoon siwaydaarsiya u qaataan, wuxuuna, sheegay  ku simaah wasiirku in intii ay joogeen wadanka yugandha ay  ku qaadeen kulamo gashi u noqonaya dhinaca caafimaadka naqafada darnada caruurta iyo hooyada.

Ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ayaa intii uu joogay wadanka Uganda waxa uu booqday warshado kala duwan oo soo saara raashinka laga helo nafaqada jidhka bili aadan ku u baahan yahay gaar ahaan kuwa nafaqaynta caruurta iyo hoyada uurka kale.

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku sheegay in kulamadaasi ku soo dhamaadeen guulo waawayn oo wax wayn ka qaban kara ka kortaga iyo qalajinta nafaqa darnada, wuxuuna, wasiir ku simaha wasiirku tilmaamay in deegaankeenu hore looga daah furay  barnaajidkan nafaqada caruurta, islamarkaana yahay barnaajid siwayn loogu dhimaya saboolnimada korna koogu qaadayo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaankaba kaasi oo ay iska kaashanayaan hirgalintiisa  xafiiska caafimaadka DDSI iyo xafiisyada horumarineed ee ay bahwadaagta ku yihiin iyo waliba hay’adaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala deegaanka. kulamadan aqoon iswaydaarsiguna yihiin kuwa  lagu sii karaargalinayo hirgalinta  barnaamijkaasi 

p class=