Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Ku-xigeenka xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI oo Sharax Dheer Ka Bixiyay in Qorshaha Isbedelka Kobaca Dhaqaale iyo Isbedelka 2aad ee GTP2 in Gashi Horumarineed oo Dhamaystiran Guud Ahaan Dalkeena u Yahay.

Jigjiga(CN) Talaado July-28-2015.Maalmo ka hor ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka socday Shirwayne balaadhan oo ay Xukuumada,Dawlada Federalka iyo Dhamaan Qaybaha Bulshada deegaanka ay kaga doodeen tabaha loo hirgalin karo isbedelka 2aad ee GTP2 islamarkaana aad looga wada dooday sidii uu u hirgalay qorshayaashii kobaca dhaqaale ee GTP1 oo DDSI si fiican uga dhaqan galay sida barnaamijka dibudejinta ee Qoysaska loogaga faaiidaynayo Wabiyada iyo Dooxooyinka oo deegaanka gabi ahaanba ka hirgalay halka deegaanada qaar ay khibrad iyo waayo aragnimo u soo doonteen DDSI.

Hasdaba Wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha DDSI mudane Jamaal faarax warmooge oo xafiiskiisa ugu horamayay warbaahinta DDSI ayaa shaaciyay in dajinta qorshaha GTP2ga oo loo dajiyay si cilmiyaysan, laga soo hayn doona guulo wax ku gool ah, guud ahaana dalkeena u noqon doona gashi horumarineed oo dhinaca kasta leh, maadaamo oo ay si durugsan u gorfeeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumaduba, .

Wasiir ku-xigeenka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay qaabkii loo hirgaliyay qorshihii GTP1 ka iyo sida qotoda dheer ee looga baaraan dagay dajinta qorshahan GTP2 iyo hirgalintiisa, isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu tibaaxay in dajintii qorshahan siwayn oo mug leh loo garfeeyay lana balaadhiyay fagaaraha wada tashiga shacabka.

Wuxuuna, Masuulku tilmaamay in kulamadii wada tashiga shacabka iyo xukuumada ee dhawaan lagu soo gababageeyay deegaanku tahay tabaha halbawlaha u ah xaqiijinta iyo hirgalinta qorshaha GTP2ga, taasi oo si wayn looga doodsiiyay dhamaan qaybaha bulshada, sida odayaasha, deegaanka haweenka, dhalinyarada, maalqabeenada iyo waliba aqoonyahanka DDSI, taasi oo ku tusaysa, in shacabku yahaya xaqlaha iska leh waxqabadka in qorshaha la gudoonsiiyo si cadna loogu xeeqo doorkooda.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in qorshahan GTP2ga in diirada lagu saaray istaraatijiyada si dhaw loogu gaadhayo ka mid noqoshada wadamada ugu horeeya kuwa oo dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay taasi oo ay ka mid yihiin sii waditaanka iyo xoojinta koboca dhaqaalaah oo loo siman yahay kuna salaysan horumarinta wax soo saarka beeraha oo casriyaysan iyo horumarinta warshadaha