Xafiiska Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka oo Qiimaynaya Halbeega uu Gaadhsiisan yahay Sidii Loo Hirgaliyay Qorshayaashii Horumarineed ee Ku Xusnaa MDG Sanadkii 2007.T.I.

Jigjiga(CN) khamiis July-31-2015.Kulankaasi oo uu hogaaminayay wasiirka horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre ayaa ka waxaa ka soo qaybgalay xafiisyadii bahwadaagta shaqo la leh(Stakeholders)iyo wakaaladihii gacanta ku hayay hirgalinta mashaariicaha horumarinta wabiyada iyo Dooxooyinka ee laga hirgaliyay Gobolada ay maraan wabiyada iyo Sitti.

Shirkan qiimaynta waxqabadka ayaa waxaa ka soo ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska jidadka DDS mudane Cabdirahmaan Maxamed Hassan, ku-xigeenka wakaalada daraasaadka  iyo nashqadaynta DDSI mudane  haadi guure , iyo masuuliyiin kale oo ka socotay wakaaladaha DDSI.

Kulankaas ayaa lagu lafa gurayay nidaamkii iyo jihooyinkii fulineed ee  loo hirgaliyay mashaariicihii horumarineed ee  mashruuca MDG ee sanadkii 2007 la bilaabay hirgalintoooda, si loo xaqiijiyo kuwa aan dhamaanin heerka ay marayaan, loona bilaabo kuwa la hirgalinayo sanadka 20087TI loogana sii gaashaanto caqabadahii iyo waxyaabihii kale eel ala kulmay.

 Wasiirka horumarinta waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI Suldaan Khayre ayaa sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay hirgalinta mashaariicihii horumarineed ee qorshaysnaa fulintoodu sanadkii 2007 kuwaasi oo ay fulintooda gacanta ku hayeen wakaladaha DDSI sida wakaalada horumarinta Jidadka DDSI wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah DDSI wakaalada biyaha iyo wakaalada daraasaadka  iyo nashqadaha, taasi oo uu wasiirku sheegay in loo diyaar garoobo hirgalita mashaariicaha 2008TI ee mashruuca MDG.