Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxgaradka,culumada,Aqoonyahanka iyo Qurbajoogta ka soo jeeda degmada feerfeer ayaa waxay Qoraal ku soo xuseen Taageero,Bogaadin iyo garab istaagid ay u dirayaan hogaaminta XDSHSI iyo Xukuumada DDSI ee mar labaad loo doortay Hogaanka Deegaanka iyo Xisbiga

Jigjiga(CN) Jimce August-1-2015. Waxaa baaq ay Waxgaradka degmada feer feer soo gaadhsiisay kaydka xogaha ee shabakada cakaara ayaa waxaa ku saxiixan 12 ka mida hogaaminta dhaqanka,culumada iyo waxgaradka hormuudka u ah bulshada feerfeer ee la ayidsan yahay sidoo kalana Aqoonyahanka Degmada Feerfeer.

Baaqa oo qoraal ah ayaa u qornaa sidan.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Anagoo ku hadlayna magaca degmada feerfeer dal iyo dibadba waxaanu 100% taageersanahay Hogaanka XDSHSI ee si buuxda ugu guulaystay Doorashadii xalaasha ahayd ee ka dhacday guud ahaan dalka gaar ahaan DDSI sidoo kale waxaanu taageero iyo dareen farxad wadaniyadeed ku soo dhawaynaynaa Xukuumada cusub ee loo idmay mar labaad in ay noqdaan hogaaminta 5ta sano kuwaasoo ku hantay idamka eebbe iyo kalsoonida shacabweynaha DDSI oo ay ku kasbadeen waxqabadkooda daacada iyo cadaaladnimada xaqsoorka siman ee ay ka dhaqan galiyeen mudadii yarayd ee ay xilka hayeen kuwaasoo waxqabadkii ugu balaadhnaa eee alle loogu xamdi naqo qabtay. dhinacyada,Horumarka,N/galyada,Maamulka suuban,Xidhiidhka Qurbajoogta iyo Fursadaha shaqo abuurka.

DHINACA NABADGALYADA

waa xukuumada kaliya ee ku guulaysatay Sugida amaanka gudaha Deegaanka iyo Xuduudaha ay dawlad-deegaanka soomaalida itoobiya la leedahay dawladaha dariska ah taasoo marag cad u ah in nafhurida iyo geesinimada ciidanka gaarka ah ee Liyuupolice ay kaga badbaadiyeen shacabka ay tahay talaabadii ugu horaysay ee horumarka maanta la gaadhay ay hirgalintiisa ku guulaysteen inla hiigsaday X.D.SH.S.I.iyo Xukuumada ddsi ee uu hogaankeeda hayo alaha ha daayee madaxwayne mudane CMC.

DHANKA CIIDAMADA IYO SUGIDA AMAANKA

Waxaa markii ugu horaysay la aasaasay Ciidanka gaarka ah ee LP kuwaasoo garab istaagay Ciidamadii Qaranka ee Naftooda u huray sidii shacabweynaha soomaalida itoobiya loo gaadhsiin adeegyada horumarka aasaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaale kuwaasoo si sharaf leh ugu guulaystay sugida nabadgalyada gudaha iyo xuduudaha dalka.

DHINACA HORUMARKA:-

xukuumada maanta ee ka arimisa DDSI waa xukuumadii ugu horaysay ee hirgalisay horumar muuqda oo la taaban karo tiirarkeeda ugu waawayna ay noqdeen Wadatashiga qaybaha shacabka oo abuurtay kalsooni,sinaan,cadaalad iyo wadatashi dhexmara XDSHSI,Xukuumada maanta ee madaxwayne mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Bulshada heerarkeeda taasoo taabogalisay Horumar,N/galyo iyo maamul suuban dhab ah oo ay kaga duwan tahay xukuumadihii ka horeeyay.

MOWQIFKA iyo TAAGEERADA SHACABKA DEGMADA FEERFEER:-

guud ahaan mawqifka,ayidaada iyo taageerada aanu u hayno xukuumada maanta iyo X.D.SH.S.I waa 100% Dal iyo jaaliyada Degmada Feerfeer ka soo jeeda ee caalamka gaar ahaan baaqii taageero ee ay qaateen qurbajoogta waqooyiga ameerika go'aankoodii geesinimada lahaa ee ay ku ayideen xaqiiqda dhabta ah iyo waxqabadka xukuumada iyo xisbigu ka dhaqan galiyeen dhamaan 9ka gobol iyo 68da degmo.

Hadaba anagoo ku hadlayna afka iyo Guud ahaan shacabka ka soo jeeda degmada Feer-feer meel kasta oo ay joogaanba waxaanu taageero buuxda la garab taagan yihiin XDSHSI,Xukuumada,Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada geesiyadaha ee Liyuupolice anagoona ku bogaadinayna Madaxwayne CMC iyo xisbiga talada haya Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban ee muuqda waxaanuna ku soo gabagabaynaynaa.