Xafiiska Caafimaadka DDSI oo Qabtay Shir Lagu Qiimaynayay Shaqsi Shaqsi ah Dardar Xoogana u Jiheeyay Adeegbixinta.

Jigjiga(CN) Jimce August-1-2015.Sidaynu wada ogsoonahay waxaa bishii ugu danbaysay lagu sameeyay Xafiiska Caafimaadka isbedel lagu ansaxiyay kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka golaha 5aad iyadoona uu xafiiskani halbowle u yahay fayodhawrka caafimaad ee la siiyo bulshada deegaanka.

Hadaba si looga midho dhaliyo loona hirgaliyo qorshayaasha waxqabadka ku xusan wajiga 2aad ee Qorshaha isbedelka kobaca dhaqaalaha GTP iyo ka dawlad-deegaankaba waxa uu xafiisku u tabtaystay sidii looga soo dhalaali lahaa adeegbixinta caafimaad iyo gudashada waajibaadka loo idmay si ay hooyada,dhalaanka,bukaansocodka iyo bukaanjiifkuba uga faaiidaystaan.

Xafiiska ayaa isugu yimid hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI kulan lagu qiimaynayay  gudashada waajibaadka qorshe kushaqayntam,ku dhaqanka habraacyada loo hirgaliyo fulinta taageerada,gudi kushaqaynta, iyo iskaashiga ay wasaarada caafimaadka ee JDFI siiso tan heer deegaan.

 waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna wasiir ku xigeenka DDSI mudane Cabdifataax  siciid agaasin ka soctay wasaarada caafimaadka ee heer faderal  iyo waliba agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadka DDSI.

 Waxaana, kulankaasi qiimaynta ah, ugu horayntii ka hadlay  ku simaha wasiirka caafimaadka ahna wasiir ku xigeenka caafimaadka mudane Cabdifataax Siciid oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay kulankan qiimaynta ah, wuxuuna sheegay masuulku in uu yahay mid lagu sii xoojinayo hawlaha shaqo ee ay iskaashiga iyo taageerada ay wasaarada caafimaadka ee heer fadaraal ay siiso tan heer deegaan waxaana diirada lagu saarayaa ayuu yidhi ku simaha wasiirku, nidaamka loo hirgaliyo taageeradaasi si loo sii xoojiyo loona karaar galiyo habka fulinta taageeradaasi.

Wasiirka ayaa ku xusay in uu mahadcelin balaadhan usoo jeedinayo Taageerada buuxda ee ay xukuumada,xafiisyada bahwadaaagta shaqo ka dhaxayso iyo dawlada federaalku siiyaan xafiiska markasta sidoo kalana hayadaha deeqbixiyayaasha ah ee Xafiiska caafimaadka DDSI gacan ka siiya dabargoynta cudurada faafa,kobcinta awooda,Qalabaynta isbitaalada iyo dawooyinka,

 Kulankaasi ayaa si cad cadaan iyo isla xisaabtan leh loogu qorfanayay hirgalinta habraacyada fulineed ee waxqabadka taageerada ah ee ku qotoma awood siinta dhinaca adeegyada caafimaadka