Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qaar Ka Mida Masuuliyiinta Jaaliyada Imaaraadka Carabta oo Maanta ka Soo Degay Wiil-waal Airport.

Jigjiga(CN) Sabti August-2-2015.Waxaa maanta ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee garaad Wiilwaal International Airport mudane Najiib Cismaan(Xidhiidhiyaha jaaliyaadka) iyo mudane Axmed Ture oo masuuliyiinta jaaliyada ka mida kuwaasoo u yimid in ay ka qaybgalaan munaasabada maalinta Qurbajoogta iyo xaflada qurbajoogta DDSI ee lagu qaban doono magaalada sidoo kalana hawlo la xidhiidha hawlaha jaaliyada.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay maareeye kuxigeenka Qurbajoogta Cabdi Khaliif Buraale(Dhoombe) iyo Abwaanka Qaranka Axmed Budul iyo qaar ka mida qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka ee ku sugan magaaalada jigjiga.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada jigjiga ku soo qulqulaya Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku kala nool 5ta qaaradood ee aduunka iyadoona ay magaalada jigjiga la ciirayso Qurbajoog u soo hilawday dhulkooda hooyo.