Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg Madaxwaynaha DDSI oo Maanta u Ambabaxay magaalada Addis-Ababa Si uu Uga Qaybgalo Shirka Golaha Dhexe ee EPRDF.

Jigjiga(CN) Khamiis-07-Agus-2015, Madaxwaynaha DDSI ahna Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta u ambabaxay magaalada addis-ababa si uu uga qaybgalo shirka caadiga ah ee Golaha Dhexe ee EPRDF halka uu Gudoomiyaha Xisbiga ahna afhayeenka Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq uu shalay u ambabaxay Addis-ababa.

Shirkan ayaa uu Xisbiga EPRDF iyo ururada bahwadaagtu ku qiimeeyaan waxqabadka Qorshayaasha Kobaca dhaqaale islamarkaana diirada lagu saaraa Fulintii waxqabadka GTP1 iyo Sidoo kale hirgalinta wajiga 2aad ee Qorshaha isbedelka GTP2 la fulin doono shanta sano ee soo socota.

 Faahfaahinta shirka Golaha dhexe ee EPRDF iyo ururada bahwadaagta dib kala soco wararka CakaaraNews.