Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta jidadka DDSI oo ka warbixiyay waxqabadka iyo jihooyinka horumarineed ee wakaalada jijida.

Jigjiga(CN) Arbaco August-12-2015. Maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta jidadka DDSI mudane Cabdirahmaan Maxamed Xasan  oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaajinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadkii wakaalada horumarinta jidadka  ee dhinaca taaba galinta  wadooyinka halbawlaaasha u ah isku socodka  gobolada iyo degmooyinka oo wakhtiyo badan kala xidhnaan jiray .

Wuxuuna, sheegay  in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay diirada saartay  dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee ku taxa luqa kor u qaadida adeegyada aas aasiga ah  bulshada iyo koboca dhaqaalaha taasi oo ay ka mid tahay xoojinta iyo kor u qaadida dhinaca wadooyinka  oo sahlaya isku socodka bulshada DDSI deegaanka .

 

Sidoo kale waxa uu maareeyuhu ka warbixiyay oo   meel marinta  fulinta  waxqabadkii qorshyaashii  2007TI,isaga oo ka warbixinayay qorshayaasi ayaa waxa  uu yidhi ”haddii aan wax ka taabto waxqabadkii wakaalada ee sanadkii 2007 wakaaladu waxay heshiiso la gashaa shirkadaha dawliga ah  DDSI ee ay ka mid ka yihiin shirkada  dhismaha jidadka DDSI, wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI ayay waxay sanadkan ka fulisay deegaanka  jidad  iyo buudoyin laga hirgaliyay degmooyinka deegaanka.

Wuxuuna sheegay maareeyuhu in , iyada oo qandaraaska siinaysa shirkadahaasi ay  fulisay wakaaladu   sanadkii 2007 Dhismaha jidka Wangey – Lagahida-Salaxad, Dhererka jidkani waa 75 km, Mashruca dhismaha buundada qabri daha, Mashruca Dhismaha Jidka Q/dahar – Wardheer Mashruca dhismaha jidka jara- dambal- Dhure, Mashruca dhismaha buudada (faafan) dhagax buur- dhagax madow, Dhismaha jidka Birqod –Garbo, Mashruca dhismaha terminalka ayerportiga Q/daha, Dhismaha jidka Fiq - Yocob –Sagag, Dhismaha Jidka Jarati - Gura Dhamole mashaariico kale oo ah kuwo kor u qaadaya isku socodka bulshada deegaanka”

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay maareeyuhu jihooyinka iyo istaraatajiyadaha wakaalada ee qorshaha 2008 iyo habraacyada lagu hiigsanayo hirgalinta qorshayashasi, taasi oo ay ka mid yihiin  la baladhiyo dabolka (coverage) wakaalada  jidadka ee DDSI.In la kordhiyo tayada iyo xalada jidadka si loo dhimi lahaa kharashka iyo wakhitiga socodka,

 In kor loo qaado lana xoojiyo dhismaha jidadka lana gaadhsiiyo sanadkan, 346km oo jidad cusub ah In la dhiso buundooyin;In la kordhiyo tayada 264km oo jidadki hore In dib lo dhiso (rehabilitate) 90 km oo jidadki hore ah,In la dayactiro (maintain) 30 km oo jidadki hore ah,In la so ibiyo qalabka lo adeegsado dhismaha iyo dayactirka jidadka sida Dozzerta, Giredarta,