Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxweynaha DDSI Oo Dib ugu Soo Laabtay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

 

 

Jigjiga(CN). Arbaco, 12ka August, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Af-hayeenka Golaha Xildhibaanada ahna Gudoomiyaha X.D.SH.S.I mudane Maxamedrashiid Isaaq oo kaqaybgalay shirkii caadiga ahaa ee xisbiga EPRDF oo kadhacay caasimada dalkeena itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta galinkii danbe dib ugu soo laabtay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Shirkan oo socday mudo laba maalmood ah oo lagu qiimaynayay waxqabadkii qorshaha koboca iyo is badalka dhaqaalaha ee 1, aad lagagana wada hadlayey sidii loo hirgalin lahaa qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha ee jaanqaadka 2, aad ayaa kusoo gabagaboobay in guulo waawayn oo wax ku ool ah laga soo hoyiyay qorshihii 1, aad, diyaargaraw adagna loogu jiro fulinta qorshaha 2, aad.